webmaster@laasqoray.net

Hawlgallo Maalintii Saddexaad Ka Socda Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Waxaa maalintii saddexaad ka socda Magaalada Bossaso ee xarunta Gobolka Bari hawlgallo ay wadaan Ciidamada ammaanka Magaaladaasi kuwaasi oo lagu qaba qabanaayo dhamaan dhalinyarada iyo ciddii laga shakiyo.

Ciidamada ayaa maanlintii saddexaad hawlgalka ka wada xaafadaha Bari ee Magaalada Bossaso, Ciidamada ayaa hawlgalka ku qab qabanaaya cid kasta oo ay ka shakiyaan iyo dhamaan dhalinyarada waddooyinka maraaya iyaga oo dadka saaraaya Gawaarida Shabaqlayaasha ah ee Maxaabiista lagu qaado.

Hawlgalkan ayaa maanta ka duwan kuwii hore ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada kuwaasi oo ku koobnaa xaadafaha oo qudha walow hawlgalada maanta ay kusoo fideen dhinaca Suuqyada Ganacsiga iyo Waddooyinka aadka u mashquulka badan ee hawlbawlaha u ah dhaq dhaqaaqa Magaalada Bossaso.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dad lagu qisaaya Boqolaal isugu jira dhalinyaro laga qab qabtay waddooyinka Magaalada iyo guryaha ku yaalla xaafadaha ay maanta Ciidamdu cagta ku mariyeen hawlgalada ay sameeyeen.

Afarta saldhig Boolis ee Magaalada Bossaso ayaa la buux dhaafay dadka ay Ciidamadu kusoo qab qabteen hawlgalada maalintii saddexaad galay ee ka socda Magaalada Bossaso ee xarunta dhaqaalaha Dawladda Puntland.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka gaar ahaana kuwa Booliska ayaa hadda ka hor mar ay ka hadleen hawlgalada ka bilowday Magaalada Bossaso waxay sheegeen in hawlgalada lagu baari doono dhamaan xaafadah kala duwan ee Magaalada Bossaso kuwaasi oo guri grui loo geli doono.

Maalintii shalay oo ahayd maalintii labaad ee hawlgalada ayaa waxaa Magaalada Bossaso lagu dhaawacay sarkaal katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda inkastoo kooxahii dhaawaca dambeeyey dil iyo dhaawac loo gaystay hadana falkaasi waxa uu sii laba jibaaray hawlgalada ay horay u wadeen Ciidamada ammaanka Magaalada Bossaso.

Qaar kamid ah saraakiisha Gobolka ayaa shaaciyey in dadkii ka dambeeyey dilka iyo dhaawaca ay kasoo jeedeen Gobolada Bay iyo Bakool taasina waxay keentay in ay cabsi xooggan soo foodsaarto dadkaasi ee Ganacsiga muuqda ku leh Magaalada Bossaso inkastoo Masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Amniga Dawladda Gen Yuusuf Axmed Khayr ay dadkaasi ugu baaqeen in ay si dejiyaan ee aan ciddina waxyeelo u gaysan doonin.

Sikastaba hawlgalada ka socda Magaalada Bossaso ayaa xilligan ah kuwa lagu baaraayo isla markaana lagu qab qabanaayo dhamaan dhalinyarada iyo cid kasta oo laga shakiyo iyadoo baaritaan kadib lasii daayo ciddii ay Ciidamadu dembi ku waayaan, lamana oga wakhtiga ay hawlgaladan soo gaba gaboobi doonaan.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Comments are closed.