Hay’ada wadaniga ah ee tadamun ayaa qeeybisey deeq raashin iyo biyo iskugu jirta,deeqdaas oo la gaarsiiyey dad aad u fara badnaa.dadkaas oo ahaa kuwii ku wax yeeloobey abaarihii dhawaan ka dhacay dhulka soomaliya oo dhan.deeq qeeybitaas ayaa socotey intii u dhaxeeysey 27_31 bishii January .
Gurmadkaas dag dag ah ayaa la gaarsiiyey magaalooyinka kalla ah kobdhaxaad,af_uru ,kala beeyr oo ku kala yaala labada gobol ee kala ah Bari iyo sanaag.
Deeqdaas ayaa aheed deeq ka kooban biyo iyo bariis iyo saliida cuntada lagu darsado,raashin qeeybintaas ayaa aheed mid aay ku farxeen dadkii masaakiinta ahaa ee ku sugnaa goboladaas.
Hay’ada wadaniga ah ee tadamun ayaa had iyo waxaa looga bartey in aay qeeybiso deeqahaas oo kalle. Inkastoo markaan aay aheed mid aad loogu farxay hadii loo eego xiliga aay ku beegantey
Waxaa sidoo kalle hay’ada ka qeeybisey magaalada boosaaso harqaamo dharka lagu tolo harqaamahaas oo la siiyrey dumar aad u fara badan oo gaaraya 50 dumar ah.
Hay;ada wadaniga ah ee tadamun waa hay’ad wadani ah oo ka shaqeeysa gobolada puntland hay’adaas oo la aasasey sanadku markuu ahaa 1992,wexeey ku hoowlan tahay ka shaqeeynta waxbarashada iyo caafimaadka iyo gurmadka dag daga ah iyo sidoo kalle ka shaqeeynta hoowlo aadami nimo oo kalle.
Ashkir Nuur Ahmed-Puntland


