webmaster@laasqoray.net

Hay’adda ARF ayaa Biyo dhaan iyo Raashin Qaybin Ka Samaysay meelo ka mid ah Sanaag

Badhan : Hay’adda wadaniga ah ee lagu magcaabo African Relief Fund (ARF) ee fadhigeedu yahay wadanka Ingiriiska ayaa biyo dhaan iyo raashin qaybin ka samaysay meelo ka mid ah gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Badhan.
Dadkan raashinka loo qaybiyey ama biyaha loo dhaamiyey ayaa ku dhibaatoobey abaaraha ka jira geyiga Soomaaliyeed, sida uu sheegay xidhiidhiyaha hay’adda Salaam Development Society (SADSO) ee hawshan fulisey Maxamed Xasan Jaamac waxa ka faa’iideystey dad gaadhaya 100 qoys oo loo qaybiyey Bariis iyo Saliid .
Sidoo kale waxa booyado biyo sida loo kala diray meelaha ay xoolaha iyo dadku ku dhibaataysan yihiin ee kala ah: Raacinta, Samaaliga, Rad, Laako iyo Gumarta oo dhamaantood ku hareeraysan magaalada Badhan .
Biyo dhaankan ayaa ah kii labaad ee laga sameeyey gobolka Sanaag, waxa horey biyo dhaan uga sameeyey hay’adda African International Relief oo ah hay’ad Kuwait ah, waxana fuliyey biyo qaybintan dawladda Puntland, gaar ahaan gudida abaaraha ee gobolka Sanaag ee uu guddoominayey badhasaabka gobolku Mr. Maxamuud Siciid Nuur.
Maxamuud Ciyoon / Badhan

Comments are closed.