Hay’ada wadaniga ah ee tadamun ayaa maanta dhagax dhigtey machad lagu baran doono xaananada xoolaha iyo cilmiga beeraha oo laga furi doono magaalada Gaalkacyo ee magaala madaxda gobolka mudug dhagax dhigaas ayaa ka soo qeeyb galay madax aad u fara badan oo aay ka mid yihiin waziirka qorsheynta iyo xiriirka calaamiga ah ee doowlada faderaalka soomaaliyeed isla markaasna ah ra’iiso wazaare ku xigeenka.iyo waziirka beeraha ee puntland iyo waziir ku xigeenka waxbarashada sidoo kalle waxaa ka soo qeeyb galay waziir ku xigeenka xanaanada xoowlaha ee puntlad.
Waxaa goobtaa soo dhaweeyey dadka iyo madaxda sharafta leh ee ka soo qeeyb gashey shirka gudoomiyaha haay’ada wadaniga ah ee Tadamun mudane cabdulaahi sheikh xasan asagoo ku tilmaayey mashruucaan in uu yahay mashruuc faa’do iyo miro dhal badan u lahaan doono dadka ku dhaqan gobolada puntlad ee soomaliya asagoo tilmaameyey in Bankiga horumarinta ee Islaamku uu in badan ka qeeyb qaatey howlaha hormarineed ee ka socda puntland oo aay hay’ada wadaniga ah ee Tadamun faraha ku heeyso.
Waxaa kaloo yana meesha ka Hadley madax aad u fara badan oo ay ka mid yihiin waziirka beeraha puntland iyo gudoomiyaha gobolka mudug iyo madax kaloo fara badan oo dhamaantood muujiyey muhimada aay leeydahay hirgilinta machadkaan caafimaadeed…
Ugu danbeyntii waxaa meesha ka Hadley waziirka qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga ah isla markaasna ah ku xigeenka ra’iisu wazaaraha soomaliya asagoo isla markaasna la dhagax dhigey madaxdii kalle ee ka socotey doowlada dhagaxii biloowga mashruuca………Hayada wadaniga ah ee Tadamun waa hay’ad ka shaqeeysa arimaha pulshada waxbarashada iyo hoowlaha horumarinta aadami nimada……
Qorre: Abdul fitax Nur ( Ashkir)
LaasqorayNet-
