Gobolada dalka Soomaaliya intooda badan ayaa wakhtiyadan dambe waxaa ka jirey abaaro ba’an oo ay la ildarnaayeen dad iyo duunyoba, kadib markii dhowr xilli roobaad aaney helin dhulka roobabkii sida caadiga ah ka di’i jirey.

Hadaba xiligan guga ee sanadkan ayaa waxaa da’ay roobab aad loogu diirsaday oo ka da’ay inta badan gobollada soomaaliya, meelaha qaarna khasaare ayeyba roobabku ka gaysteen oo dad, baabuur iyo xoola-nool ba wey qaateen.
Degmada Xingalool iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa heley roob wanaagsan, roobku haba u badnaado dhulka miyiga ahe, inkasta oo dhulka ay abaartu ku raagtay oo aanay hogol iyo laba toona wax badan ka tarayn hadana bilicdii lagu yaqaanay dhulka qeyb ahaan ayaa soo noqotay oo meelaha qaar ayaad ku il doogsanaysaa marka aad tagtid.
Kamarada Webka XingaloolNews ayaa waxa u suuro galay iney sawiro kasoo qaado qaar ka mid ah ximanka ku xeeran Degmada Xingalool si akhristeyaasha bogga loogu soo bandhigo bilicda wanaagsan ee dhulkeena uu rabi ku galladaystey.
DAAWO SAWIRO:








XIGASHO- Xingalool News.com
