webmaster@laasqoray.net

Heshiisiintii 2da Shariif oo burburtey

Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ahna Xog hayanta gudoomiyaha baarlamaanak KMG Soomaaliya oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay wada hadaladii maalmahaan u socday madaxda dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaan gudoomiyaha baaralamaanka iyo madaxwaynah Soomaaliya.

Xildhibaan Cumar islow ayaa waxa uu sheegay in gabi ahanba ay fashilmeen wada hadaladaasi isla markaana lagu guur dareestay in ay wax natiijo ah ah ay ka soo baxdo.

“Wada hadaladaasi way fashilmeen mana jirto wax natiijo ah oo ka soo baxday waxaana la dhihi karaa waxa ay ku soo dhamaadeen natiijo la’aan “….ayuu yiri xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya.

“Doorashaduna xiligeeda ma dhaafi  doonto oo waxa ay dhacaysaa waqtigeeda’… ayuu hadalkiisa ku siidaray mudanahaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Waxa uu sheegay xildhibaan Cumar Islo in doorashada ay dhici doonto Bisha Jun ee soo socota isla markaana l dooran doono madaxwayne iyo Gudoomiye baarlamaan.

Maalmahaan ayaa waxaa socday wada hadalo u dhaxeeyay madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Adan.

Kula madaan aya waxa ay haayeen kuwo yimid khilaaf dheer ka dib waxaana la hadal hayay natiijada ka soo bixi doonta oo ay dadku wada sugayeen.

sources-raxanreeb+LaasqorayNET

Comments are closed.