Warbaahinta Caalamiga ee LaasqorayNet ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay isha ku haysay barnaamij lagu mideynayo Maamulada SSC iyo Maakhir State oo ka jira Waqooyiga Bari Somaliya, barnaamijkan ayaa waxaa wada Indheer garadka iyo Aqoonyahanka kasoo jeeda Deeganada aan kor kusoo sheegnay ee ku sugan Magaaladda Muqdisho.
Maakhir State iyo SSC oo ah Maamulo Cusub oo ka jira Waqooyi Bari Soomaliya islamarkaana Xuduud balaadhan la leh Maamulada Somaliland iyo Puntland ee dhinacyada ka xiga ayaa Waxaa maalmahan dambe soo baxaya warar sheegaya in la isku darayo oo loo sameynayo maamul mideeya labada dhinac.
Marka laga yimaado SSC oo ah maamul hirgalay islamarkaana Bulshada Soomaalidu sifiican ugu dharag santahay ayaa waxaa isna jira Maamul Goboleedka Maakhir State oo sadex sano ka hor la aas aasay oo aan hada shaqeyn basle dhawaan la rajeynayo in si toosa loogu dhawaaqo markale.
Hindisaha la isugu keenaya amaba lagu mideynayo Maamulada aan kor ku soo sheegnay ayaa waxaa xusul duub ugu jira Siyaasiyiinta, Indheergaradka iyo Aqoonyahanka kasoo jeedaa deegaanadaasi ee ku sugan Magaaladda Muqdisho waxaana lagu wadaa dhawaan in ay nuqulo kamid ah barnaamijkaas ay hor geeyaan Xildhibaanada Labada Maamul ugu jira Baarlamaanka Fadraalka si ay yana aragti uga bixiyaan.
Barnaamijkan ayaa wuxuu daba socdaa sida aanu wararka ku helayo kulan ay ku yeesheen mid kamida dalalka qurbaha qaar kamida Dhalinyarada wada qorshahan la isugu keenayo Beelaha Warsangali iyo Dhulbahante oo mihiimadoodu tahay in dib loo soo nooleeyo xidhiidhkii labada beelood.
Sidoo kale qaar kamida Dhalinyarada wada Barnaamijkan ayaa waxaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Raysal Wasaare Farmaajo waxayna u soo bandhigi doonaan qorshooda ku aadan maamul u sameynta Labada Beelood iyo Khariirarad muujinaysa deegaanka balaadhan ee ay dagaan beelahaasi.
Dhanka kale qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fadraalka ee Deeganada Maakhir iyo SSC ayaa durbaba soo dhaweyay barnaamijka lagu mideynayo Beelaha Warsanagli iyo Dhulbahante waxayna ku tilmaameen qorshahaas mid labada dhinacba ka baajin doono tafaraaruqa iyo kala daadsanaata.
Wixii kasoo kordha Barnaamijka Lagu Mideeynayo Maamulada SSC iyo Maakhir State kala soco wararkayaga dambe.
LaasqorayNet-
Laasqoray.Net@gmail.com

December 4, 2010 at 7:50 pm
haa waa wax lagu farxo wa aarin so dhowyn mudan ad yan u tagertaa anigoo ah nin dhalinyaro ah kan sioo jeeda maakhir wa aarin mar hore loo baahnaa wax ad udannyaa arintaa hal asi wado labda maula wa muqads inlaysku daro dabdeedan si nabd ay kula dhaqmaan ddka somlida ah ee hareraha ka xiga dhulkod adhistaan dhulos wax leeyhy arinta hala taageero
December 4, 2010 at 6:23 am
Midnimada somalidu waa muqadas maamul goboleedyona waa jidka loo mari karo
December 3, 2010 at 9:53 pm
Bacda salaam. waxaan anigu mar walba taageero uhayaa
qof walba oo jecel nabada & horumarka wadanka. waxaana caaridiyaa cid ale cidii aan ogoleyn wax horumar ah.
waxaan leeyahay yaan dadka walaalaha ah aan lakala dilin,
haday hadey hinidiseen inay gacmaha is qabsadaana waa wax wanaagsan oo looga baahan yahay inay bilaabaa hada.
Guul & horumar ayaan idiin rajeyneynaa warsan VS dhuloos!!!
December 3, 2010 at 7:01 pm
Ummadi inay masiirkeeda ka tasho iyadaa leh. Waa fikir mudan in si mug leh loo guda galo. Mar hadday midnimo Soomaaliyeed maskaxda ku hayso waa ayo cidda ay wax dhin u yeelan kartaa?
M.H.Buraleh
December 3, 2010 at 2:27 pm
war waxaa dadka ha ugu sheekaynina jabhadaha aad lawareegaysaana dadka kadaaya ssc aad sheegaysaana reer hawd baan u aqaana maakhira wax ay isku darsanayaan majirto hadii arin kaasu dhacona iyo inta u ololaynaysana waan ka soo horjeedaa waana nasiibdaro in maalin ma afarqof ay afka reer maakhir ku hadlaan wax bulshadu asmacaysona maaha waan ka xumahay war baahinta waxaa soo daabacaysa so sorry dib ha isugu laabtana war baahintu
December 3, 2010 at 8:16 am
MIDNIMADA PUTLAND WA MUQADIS
asc haddii aad isku daydaan inaad wax udhintaan midnimada Putland sida aan Atom maydkiisa dhulka ugu jiidjiidnay ayan idiinla dhaqmeenaa
December 3, 2010 at 2:34 am
waxaan salamayaa dhamaan wakalada wararka lasqoray net inta usha qiiysa melwalba oo aad kala jogtaan salan kadib
anigoo ku hadlaya magaca moorcase axmad harti ayaan so dhoweynayaa fekradaan ku aadan goni u istaaga labada belood ee warsan geli iyo dhulbahante wana wax muqadisa goni u istaagu waxana leyahay waa huul lobahnaa in wax laga qabto hada kahor hadana ku aadan in loturjumo qaranka somaliyed asaaska sool iyo sanaag goni u istaaga waxana leyahay gacmaha isqabsadoo guleesta
form washigton seattle u s a
December 3, 2010 at 2:30 am
Maxaad afka uga dhawraysaan . Maad tidhaahdaan USBP ayaa dib loo yagleelayaa.
Markaa innaga meesha innaga aadan maamulkaa si fiican ayaynu u fahmi karnaa dee sahaqadaanii – Afhayeenka uruka USP.
Waxaan layaabahanay nimankan maamulka hanwani ku kicisay oo hada dib u hamuumay in ay afhayeenimadii dib ugu laabtaa.