webmaster@laasqoray.net

Hogaamiyaha SSC Mudane Saleebaan Ciise Axmed oo u Duulay Wadanka Mareykanka.

Waxaa Goordhayd ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee Jomma Kenyatta Interanatinal Airport ee Magaaladda Nairobi ee Xaruunta dalk Kenya Hogaanka Ururka Dibu Xoreynta SSC Mudane Saleebaan Ciise Axmed “Xaglatoosiye” ka hor inta uusan u gudbin Wadanka Mareykanka wuxuu kusii hakanaya dalka Britain yadoo uu halkaas kula sii shiri doono dhamaan Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan Cariga Britain.

Hogaamiyaha bad baadada iyo mideynya SSC Mudane Xaglatoosiye oo ku sugnaa maal mihii u dambeeyay Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya ayaa caawa u duulay Wadanka mareykanka Waxaana lagu wadaa in uu kusii hakado Magaaladda London yadoo uu kulan balaadhan lasii qaadan doono Jaaliyada halkaas ku dhaqan.

Safarkan uu caawa ku tagay Hogaamiyaha SSC Wadamada Qurbaha ayaa wuxuu ugu kuur galayaa xaalada Jaaliyadaha Reer SSC ee ku dhaqan Wadamada Dibada wuxuu sidoo  kale Jaaliyadaha Xog ka siin doonaa Waxa u qabsoomay Sanadkii ay jirtay SSC iyo  wixii uu ku guuleystay Sanadkaas Maamulka SSC.

Dhanka kale Wuxuuu Hogaanka SSC uga warami doonaan dhamaan Jaaliyadaha SSC ee ku Dhaqan Waqooyiga America iyo Yurub Shirarkii kala duwaanaa ee ay la galeen Madaxda Dowladda KMG iyo booqashadoodi at ku tageen Magaaladda Muqdisho.

LaasqorayNet-

Comments are closed.