webmaster@laasqoray.net

Hubka iyo baabuurta ee Buhoodle usoo goostey [Daawo]

Ciidamadii iyo hubkii uu lasoo goostey Col Axmed Dalbac ayaa loosoo bandhigey Saxaafada iyo dadweynaha Reer Buhoolde iyadoo ay arintaasi soo dhoweeyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Buhoodle oo halkan dibu uxoreyn ah bilowday.

Sidoo kale wararku waxay intaa ku darayaan in sarkaalka soo goostey uu la kulmey Waxgaradka iyo saraakiisha Jabhada Buhoodle isla markaana ay ka wada tashadeen sidii degmooyinka Maqan dib loola soo noqon lahaa.

Waxaa intaa dheer in dhaawicii la geeyey Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta GObolka Mudug ay booqdeen waxgarad iyo siyaasiyiin beelaha Daarood ee Galkacayo isla markaana u baaqey Somaliland iney Kalshaale ka baxdo.

Baaqan ayaa imanaya iyadoo Dadweynaha ku dhaqan Gobolada Mudug aad moodid iney kasoo baxeen kaalintoodii aheyd iney garab istaagaan Shacabka Gobolka Cayn oo dagaalo iyo kacdoon kala hortegey Maamulka isbalaarinta wada ee Somaliland.

Kacdoonka Buhoodle ka dilaacay ayaa waxay timi xili ay wadaan agoontii Maakhir u dhalatey ee abayaashood lagu gowracay u adeega Ruugcadayaashii SNM iyadoo Degmooyinka Ceelbuh, Dhahar, Xingalool iyo Badhan maalmahan laga wadey ciidamo qoris iyo in la iska soo saaro shaashada TV-ga taas oo dadweynaha u dhashey Maakhir amakaag ku ridey.

Waxaa intaa u dheer Reer Maakhir in Generalkii ay sharaxeen ee amaanta iyo kalsoonida lasiiyey uu Garowe iska joogo iyadoo aad moodid inuusan la socon waxa kasocda Magaalooyinkii Soo dhoweeyey ee awrta u qaley markuu doonayey xilka Madaxweynenimo!

Kacdoonkan ayaa mudan inuu tusaale wacan u noqdo dadweynaha lagu jaahwareerinayo mashaariic ayaanu idiin soo wadnaa!

LaasqorayN ET-Bosaaso,

FG. Isha Sawira Boocame Online....

Comments are closed.