Bilada Idaacada Ugu wanaagsan Caalamka ee sanadka 2010-ka ayaa xalay la siiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle kadib munaasabad balaaran oo xalay lagu qabtay Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Munaasabad balaaran oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socday Barlamanka Faransiiska, Duqa Magaalada Paris, Safiiro Diblumasiyiin, marti sharaf, Hay’ado warbaahineed oo calami ah iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socotay shanta qaaradood ee Aduunka ayaa xalay ka dhacday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, waxaana munaasabadaasi lagu abaal marinayay Idaacadda iyo wariyaha ugu wanaagsan aduunka 2010, iyadoona munaasabadasi laga sheegay in idaacada Shabeelle oo ka mid ah idaacadaha ku yaala wadanka Soomaaliya ay ku guulaysatay idaacada ugu wanaagsan aduunka sanadka 2010 kadib tartaran ay la gashay ilaa 7 warbaahineed oo caalamka kuyaala.
Munaasabada uu aheeyd mid bisha December ee sanad kasta ay soo qaban qaabiyaan Ururka Saxafiyiinta aan xaduuda laheyn, laguna abaalmariyo Idaacadda iyo Wariyaha ugu wanaagsan aduunka sanadkasta, ayaa waxaa sanadkaan Idaacadda ugu wanaagsan idaacadaha aduunka ku guulaystay Shabakadda Warbaahinta halka wariyaha ugu wanaagsanaa uu ku guulaystay warye u dhashay dalka Iiraan laguna magacaabo Cabdi Reza Xaj oo ku xiran xabsi kuyaala wadanka Iiraan.
Munaasabada Shabelle lagu gudoonsiiyay abaal marinta Idaacada ugu wanaagsan Dunida ee sanadka 2010-ka ayaa waxaa goobjoog ka aha madaxa xiriirka caalamiga ah ee Idaacada Shabelle Injineer Cali Daahir oo munaasabada qudbad ku baxeysay Afka Ingiriiska laguna turjumaayay luuqada Faransiiska ka jeeediyay islamarkaana ku soo hadal qaaday marxaladihii kala duwanaa ee ay Idaacadda Shabelle soo martay iyo waxyaabihii ay u qabatay bulshada Soomaliyeed.
Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa abaalmarinta ugu wanaagsan sanadkaan waxaa kula tartamay todobo hay’addood oo dhinaca warbaahibta ah kuwaasi oo kala ahaa Jariirad ka soo baxda dalka Ruwanda, TV kuyaala wadanka Pakistaan, Idaacada kutaala wadanka Kurdistan, Idaacad kutaala dalka Morocco, Warbaahin kale oo kutaala Ruushka iyo Idaacad kale oo kutaala dalka Honduras waxaana halkaasi abaalmarintaasi si sharaf leh ugu guuleystay Shabakadda Warbaahinta Shabelle.
Madaxa xiriirka caalamiga ah ee Idaacada Shabelle Injineer Cali Daahir oo daqiiqado kadib la hadlayay Shabelle markii uu abaalmarinta uu u gudoomay Idaacada ayaa waxaa uu sheegay in sababta Shabelle amaar marintaasi loo gudoonsiiyay ay tahay dhex dhexaadnimada, wararkeeda xaqiiqda ah iyo sida wariyayaasheeda ay ugu dhabar adeekeen ka shaqeynta wadan ay ka jiraan dhibaatooyin aad u daran.
Masuuliyntii iyo ka qayb galayaashii munaasabada ayaa si aad ah ugu Farxay una soo dhaweeyay ku guulaysashada Idaacada Shabelle ee sanadka 2010-ka sida markale uu Sharaxay Madaxa Xarirka Caalamiga ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.
“Idaacadihii munaasabada ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa kuwa ka kala socday Yurub, Afrika, Amerika iyo Asia oo aan qaarkood waxba ka ogeyn Soomaaliya iyo Shabelle, xaqiiqdii waa ay ii yimaadeen oo waa ay ii gacan galiyeen waana ay u hambaliyeeyeen Idaacada Shabelle waana ay barteen” ayuu yiri Injineer cali Daahir.
Sidoo kale Munasabada ayaa waxaa sidoo kale ku tartamay lix wariye oo ka kala socotay qaaradaha Afrika, Asia iyo Yurub kuwaasi oo u tartamayay wariya ugu wanaagsan sanadkan ee aduunka, waxaana abaalmarintaasi ku guulaystay Cabdi Razza Xaj oo ah warye u dhashay dalka Iiraan islamarkaana haatan u xiran dowlada Iiran.
Idaacada Shabelle oo hada ah idaacada ugu wanaagsan aduunka kana mid ah idaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa Lagu aas aasay magaalada Marka sanadkii 2002-da waxaana Shabelle ay ku caanbaxday sheegida wararka xaqiiqda ah oo dhex dhexaadnimo ay ku saleysantahay taasi oo ka dhigtay in bulshada Soomaaliyeed ka dhigtaan Idaacada kaliye ee wararkeeda ay aaminaan, waxaana ay noqotay Idaacadii ugu horeysay ee Bariga Afrika oo ku guuleysatay abaalmarinta Idaacadaha ugu wanaagsan Caalamka.
