webmaster@laasqoray.net

Ilkajiir oo beeniyey in Puntland doonaysa in shirarka nabada lagu qabto deegaanade​eda

Wasiirka arimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee Puntland Gen, Cabdulaahi Axmed jaamac ilkajiir oo ka mid ah wefdigii madaxweyne Faroole ee ka qayb galay shirkii Nairobi ayaa guul ka sheegtay doorka Puntland ee shirkii Nairobi.

Ilkajiir waxaa uu shaaca ka qaaday in Puntland shirkii ay ka qayb gashay ee qaramada midoobey ay gudbiyeen qodobo muhiim ah kuwaasi oo lagu soo qaatay shirkii ka dhacay caasimada kenya, waxaa uu sheegay in ay Qaramada midoobey soo dhowaysay doorka Puntland.

Puntland ayaa ka qayb qaadanaysa had jeer horumarinta iyo goobaha lagu doonayo in lagu keeno xalka soomaaliya,wasiirka Arimaha gudaha ee Puntland ayaa sidaasi sheegay waxaa intaasi hadalkiisa sii raaciyey in ay Puntland qabatay shirar la isugu soo dhowaynayo soomaaliya inteeda kale.

Waxaa soo baxayey warar sheegaya in ay Puntland doonaysay in shirarka nabada soomaaliya lagu qabto deeganadaeeda, balse Gen, Ilkajiir ayaa arintaasi meesha ka saaray, waxaana bedelkeeda cadeeyey in ay Puntland ku qanacsan tahay meelkasta oo nabad ah oo hadana lagu qabto shir looga tashanayo ayaha soomaaliya.

Puntland ayaa ka qayb qaadanaysa shirkasta oo looga hadlayo arimaha soomaaliya, waxaana ay ka qaadanaysa doorka ay ka leedahay dib u soo celinta qaranka soomaaliya, waxaana haatan la filayaa in ay ka qayb galaan shirka ka dhacaya Muqdisho.

SPR

Comments are closed.