Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo la hadlay Horseed Media ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale iyo hadalkii uu Madaxweynaha Somaliland ujeediyay labada gole ee salka ku hayay xaalada Kalshaale.
Wuxuu sheegay inuu cambaaraynaayo dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalshaale ee u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo dadweynaha gobolka Cayn,waxaana uu xusay in maamulka Somaliland ay dadweynaha ku nool gobolkaasi ay u gaysteen wax uu ugu yeeray xasuuq.
Wuxuu intaasi ku daray inuu ugu baaqayo madaxda ugu sareysa maamulkaasi in ay joojiyaan dagaalka .
“…Axmed Siilaanyo hadalkii uu shalay uu ujeediyay labada gole ee isugu jiray guubaabada iyo amarka uu ciidanka siiyay ma ahayn wax loo baahnaa…”,ayuu yiri.
Garaad Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay in uu dhaliilayo labada gole ee Somaliland oo u sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay ugu sacab tumeen hadalkiisa ku aadanaa dagaalka.
Ugu dambayntii Garaadka ayuu sheegay in aragti ahaan si xal looga gaaro dagaalka Kalshaale ee soo noqnoqday ay ula muuqato in loo baahan yahay in la qaado talaabooyin ay qayb ka yihiin;
- In Somaliland ay ciidankeeda kala baxdo deeganka Kalshaale
- In dhacdooyinka ay dowlad ahaan ay u gaysteen Somaliland dadka deegaanka ay ka gacan mariyaan
- In dhex dhexaadin laga dhex bilaabo labada beelood ee ku muransan deegaanka Kalshaale
Hadalka Afhayeenka Isimadda Puntland ayaa imaanaya xilli xiisado colaadeed ay weli ka taaganyihin degaanadi lagu dagaalamay.
Xigasho:- Horseed Media
