webmaster@laasqoray.net

Iska horimaad gaystay khasaaro dhaawac ah oo ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag

Iska horimaad gaystay khasaaro dhaawac ah ayaa ku dhexmaray degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ciidamada maamulka degmadaasi iyo dad ka ganacsada shidista dhuxusha qoyan ee degmadaasi.taasi oo ka dambeeysay ka dib markii ciidamada maamulka degmadaasi ay iska caabin kala kulmeen dad howlo xaalufin ah ka waday degmada Xingalool.

Duqa degmada Xingalool ee gobolka Sanaag Yuusuf Faarax Saciid ayaa sheegay in howlgalkaasi uu dhaawac kaga soo gaaray mid ka mid ah ciidanka degmada Xingalool iyadoona uu sheegay inay ku guulaysteen inay gacanta ku dhiigaan kooxihii howlahala xaalufinta ka waday degmada Xingalool oo tiradoodu ahayd 25-qof islamarkaana ay ku wareejiyeen beelihii ay ka soo kala jeedeen.

Duqa degmada Xingalool Yuusuf Faarax Saciid ayaa intaasi ku daray in iska hor imaadkan uu qayb ka yahay howlgal ay maamulka iyo shacabka degmada Xingalool uga soo horjeedaan xaalufka dhirta oo horay ay uga soo horjeesteen.waxaana uu sheegay in howlgalo looga soo hojeedo jarista dhirta qoyan ay ka socdaan

Duqa degmada Xingalool ayaa sheegay in deegaanada ay si’aadka ah u saameeyeen xaalufinta inay ka mid yihin deegnada Awrbogays,Damala,Xagare,Jiigada,Qoyan iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Xingalool,waxaana uu ugu dambeyntii codsaday in gacan la siiyo xoolo dhaqatada degmada Xingalool oo ay si wen u saameysay abaaro iyo xaalufka dhirta qoyan.

Xigasho:- Horseed Media

Comments are closed.