webmaster@laasqoray.net

Iskoolka Alnuur ee Badhan xaflad u qabtey qaar ka mid ah ardeyda iskoolka

Xaflad si heer sare ah loo soo qaban qaabshay oo ka dhacday barxada dugsiga Al-nuur.  Waxaa xafladan ka soo qaybgalay dad wayne aad ufara badan oo kala ahaa Odayaaal, Aqoonyahan, arday, macalimiin,culumaa udiin ,iyo haween qar ka mid ah culumada iyo dhalinta macalimiinta.

Xafladan oo ay soo agaasimeen ardayda dugsiga Al-Nuur taas oo ula jeedadeedu ahayd u waregitaanka marxalada dugsiga sare oo ay sanadkan dhamaysteen waxbarshad Hoose/Dhexe una wareegayaan dugsiga sare  ee  qaybtiisa dugsiga Al-nuur.

Waxaa horaantii  furay xaflada duqa degmada Badhan C/dirsaaq Axmed Ciise wuxuna ugu horayntii u mahad celiyey maamulka dugsiga iyo ardayda fasalka  8aadka ee xaflada dhiganayey wuxuuna dadwaynihii ka soo qaybgalay ka codsaday in maamulka degmada oo dhowaanla hirgaliyey degmada badhan  lala shaqeeyo waxa kale uu xusay in loo bahanyahay isku duubni iyo horumar  wuxuu hadalkiisa ku soo gaabiyey.

Duqa Degmada oo talo u jeediyey ardaydii xaflada kasoo qeyb gashey isla markaana waxa uu sheegay in looga baahanyhay da’daal iyo wax akhris dheeraad ah si ay ugu guulaystaan imtixaanka sideedaadka oo ay qaaado Dowlada  Puntland ay gali doonaan bishan aynu ku jirno 20/05/2011

Halka kasii akhriso

Comments are closed.