War-Murtiyeed ay soo saareen Golaha Sare ee Jaaliyada Sanaag ee dalka Australia waxa lagu sheegay inay Taageersanyihiin Banaanbixii Nabada ahaa ee ka dhacay Maalintii Shalay Magaalada Badhan ee G.Sanaag kaasi oo lagu Diidanaan ama Shacabku Shucuurtooda ku Soo Bandhigeen inaanay Taageersanayn Maamul Gooni Goosadka ah ee Somaliland.
War-Murtiyeedkaasi Jaaliyada oo Dhowr Qodob ka Koobnaa wuxuu u dhignaa sidan:-
1- Jaaliyada Sanaag ee Dalka Australia Waxay taageerayaan Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Badhan kaasi oo ahaa mid laga dheehan karo in Dadka Gobolkaasi ay yihiin dad Jecel Midnimada Somaliyeed kana soo Hor jeeda in Somaliya La Kala Qo Qobo.
2- Jaaliyadu waxay kaloo Baaqooda ku sheegayaan inay ka xunyihiin Xasuuqii Maamulkaasi Hargaysa ka Gaystay Deeganada Sool iyo Cayn iyaga oo Beesha Caalamka iyo Hay’addaha Daneeya Arrimaha Somaliya ugu baaqay inay Qiimiiyaan Dhacdadii Halkaasi ka dhacday.
3 Waxaanu Taageeraynaa Maamulka Gobolka Sanaag Guud ahaan Heer degmo iyo Mid Gobol sida wanaagsan ee ay u soo qaban qaabiyeen Mudaharaadkii lagu diidanaan Somaliland Imaansheheeda Gobolka Sanaag.
Waa Jaaliyadii ugu Horaysay ee ka hadashay Banaanbixii Sanaag ka dhacay ee looga soo Hor jeeday Somaliland.
LaasqorayNet
