webmaster@laasqoray.net

Jaaliyada Maakhir oo shir balaaran uga qabsoomay Dalka Kuwait

Habeenkii Jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 1 April, 2011, ayaa waxaa shir ballaaran isugu yimid dhamaan jaaliyadda Reer Maakhir eek u dhaqan dalka Kuwait, kulankan oo ahaa mid horay loo sii diyaariyey muddona la sugayey ayaa u dhacay sidii la filayey kuna dhammaaday guul iyo is afgarad.

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyey guddi khaas ah oo jaaliyadda ka tirsan oo horay loogu igmaday in ay shirkaa u hawl galaan.

Kulankani oo cinwaankiisu ahaa “Dood Furan” (Open Discussion) ma lahayn ajende gaar ah aan ka ahayn in laga wada hadlo sidii beeshan mageceeda la huwan yahay(maakhir) wax loogu qaban lahaa kuwa deggan dalkan Kuwait iyo kuwa ku sugan dalkii hooyoba.

Ka dib furitaankii aayadaha Qur’aanka ah ee uu akhriyey C/rasaaq Cali Maxamed iyo kelmed wacdi ah oo uu soo jeediyey Sh. Maxamed Xasan Bulshaale. Waxaa kulankaa ka hadlay, hadallo qiima bandanna ka soo jeediyey xubno badan oo jaaliyadda ka tirsan, oo aqoon yahan iyo odayaal ba leh, waxaa shirka furay Odayga beesha oo ah odayaasha fara ku tiriska ah ee ka jooga guurtidii jaaliyaqdda ee dalkan ee jaaliyadda hogaamin jirey, lana yiraahdo Xuseen Muuse Jaamac, Xuseen muuse oo kelmeddiisu ay ahayd furitaanka kulanka kuma uu sii dheeraan hadalka waxase uu halkaa ka qiray in ay jaaliyadda Maakhir ee Kuwait ay soo dhoweysey maamulkii dhowaan laga sameeyey qaar ka mid ah degaanka Maakhir, taas oo uu sheegay in ay jaaliyadani diyaar u tahay in ay is garab taagto maskax iyo maalba. Intaa ka dibna waxaa la guda galay muhiimaddii shirka waxaana daadihiyaha shirka C/rasaaq uu microphonka ku wareejiyey Mudane Cali Maxamuud Cali Bayr oo ka mid ah dhallinyarada tiirarka u ah Jaaliyadda aan kor ku soo xusnay muddo aad u dheerna u soo adeegayey, waxa uu Mr Cali qeexay oo sharraxay ujeedada shirkan, oo ah in ay inna sugayso hawl ballaaran oo degaankii ah iyo jaaliyadda gudeheedaba, waxa uu shabaabka ku dhiiriyey in loo baahan yahay in ay kaalintooda qaataan bedelaanna odayaasha, waxa uu taabtay Mr Cali kaalintii ay jaaliyaddani ka soo qaadatay hawlgallo badan oo laga fuliyey degaanka oo ay qayb ka ahayd, sida gurmadkii xaaladdii caafimaad ee ka dillaacday degaan keenna gaar ahaan Dhahar iyo Xingalool, sanadkii 2007kii, dhismihii Dhakhtarka Badhan oo ay kaalinta koowaad lahaayeen reer Kuwait, Barnaamijkii Dekedda Laasqoray, Ololihii Doorashada madaxtinimada Puntland iwm.

Waxaa isna ka hadlay shirkaa Cisaam Xuseen Muuse oo ah xubin ka mid ah dhallinyarada Reer Maakhir ee ku dhalatay Kuwait, ahna nin aad u qaali ah wax badanna u qabtay jaaliyadda guud ahaan Soomaalida reer kuwait, gaar ahaan Reer Maakhir, waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu u adeego dadkiisa iyo dalkiisa, haddii uu ka helo wada shaqayn fiican.

Waxa uu Cisaam hadalkiisa ku jeediyey Af Carabi isagoo ula dan lahaa in uu baraarujiyo dhalinyarada ku dhalatay Kuwait ee Afsoomaaligu ku adag yahay in ay la fahmaan sida uu u fekerayo iyo hindisayaasha ku jira.

Intaa ka dib waxaa mic la wareegey Mr Faysal Yuusuf Axmed(Xawar) oo aan filayo cid kasta oo maqaalkan nakhridaa in ay garanayso, ninkan oo ah dadka fara ku tiriska ah ee had iyo jeer u hawllan sidii Maakhir loo hora marin lahaa, Faysal oo xiriir iyo sumcad fiican ku leh Hay’adaha Caalamiga ah sida UN-ka, dalkan Kuwait, Emaratka, Maamulka Puntland, DawladdaFederaalka Somaliya, iyo somaaliya oo dhan, waxa uu shirka ka sheegay in la gaaray xilligii ay reer Maakhir Dalkooda u soo jeensan lahaayeen khayraadkana kala soo bixi lahaayeen, arrintaana in aanay kaftan ahayn ee tahay mid dhaboobaysa ilaahay idankiis, waxa uu Faysal ku boorriyey reer Kuwait in ay dalkii u soo jeestaan dhismihiisana ka qayb qaataan.

Xubnaha kale ee kulankaa ka hadlay fikirkoodana ka dhiibtay waxaa ka mid ahaa :

Eng.Naasir Yasin Sh.Salah, Ismail Saed Botan, Saed Ismail (Himbool),Cali Esse Yousuf(Ali Maraykan), Saed Jibril Qablan,Xasan Xuseen shide, Maxamuud Rashiid, Sheekh Mohamed Xasan Bulshaale, Cabdala Yasiin Cabdulahi Muse, iyo rag kale oo fara badan oo aanaan halkan ku soo koobi Karin.

Guud ahaan dadkii shirkaas ka hadlay waxa ay mar walba tahniyad iyo taageero u soo jeedinayeen maamulka laga sameeyey degaanka Maakhir.

Gebagebo

Ugu dambayntii waxaa kulankaa ka soo baxay qodobada hoos ku xusan

1. waxaa kulankaa lagu dhisay guddi ka kooban aqoon yahan dhamaantood degaanka u dhashay oo loo doortay in ay u hawl galaan adeegga beesha maakhir gudo iyo dibadba.

Liiska gudiga la magcaabay waa

  1. Ismail Saeed Botaan
  2. Faysal Ahmed Yusuf-Hawar
  3. Esam Hussein Musa
  4. Abdirisak Ali Mohamed
  5. Naser Yaseen Sh Salah
  6. Mohamed Sa,ad Mohamed
  7. Naser Haji Mohamoud
  8. Ali Mohamoud Ali Bayr

2. Waxaa si buuxda loo taageeray maamulka laga hirgeliyey degaanka Maakhir

3. Waxaa la isku raacay in laga qayb qaato mashaariicda iminka ka socota degaanka sida hirgelinta Jaamacadda Maakhir. Biya dhaamiska iyo gurmadka abaaraha iminka jira.

4. Waxaa la soo jeediyey in loo fekero sidii xarumo caafimaad looga hirgelin lahaa tuulooyinka iyo degaamada aan lahayn adeegga caafimaad.

5. Waxaa la guddoonsaday in guddiga kor ku xusan ay hawsha u kala qaybsadaan (1)xakllinta mashaakilka jaaliyadda gudaha (Kuwait). Iyo (2)la xiriirka dalkii hooyo iyo ka qayb qaadashada mashaariicda horumarinta.

6. Waxaa si buuxda la isugu raacay in uu Mudane Xuseen Muuse Jaamac noqdo Odayga Beesha Maakhir ee Kuwait.

GUUL GUUL

Comments are closed.