Golaha deegaanka degmada badhan ayaa maanta la gudoonsiiyay qalab xafiis oo ka kooban 6 cumputer ,qalabkan ayaa waxa soo qaadhsiiyay golaha deegaanka jaaliyada ku dhaqan woqooyiga America ,waxana lagu gudoonsiiyay xaflad balaadhan oo maanta ka dhacday xarunta golaha deegaanka ee magaalada badhan.
Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen marti sharaf kala duwan ayaa waxa ka hadlay mas;uuliin aqoonyahano iyo waxgaradka deegaanka badhan.

Qalab xasiiseekaas oo lagu soo hagaajiyey ganacsato reer Bosaso ah ay ka mid ahaayee Cabdi Xundhur iyo Maxamed Cayddi;

Dhammaadkii xaflada ayaa waxa qalabka gudoonsiiyay golaha deegaanka mudane maxamed caydiid jaamac oo ka mid ahaa dadkii lagu soo hagaajiye deeqdaa kumbuyuutarada.
Ma aha markii ugu horaysay oo golaha deegaanka la gudoonsiiyo qalabalab xafiiseed Tan iyo markii la dhisay golaha deegaanka waxaa jirtay in Hay’ada horn releife ay ugu deeqday 35 kursi iyo 1 miis

Arintan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu golaha deegaanku wax qabad isdaba joog ah ka waday deegaanka badhan.aadna ay ugu baahnaayeen computarada iyada oo la rajaynayo in agabka dhimaha dhaqso loo dhamays tiri doono

Golaha deegaan ayaa si wayn ugu mahad celiyay jaaliyada woqooyiga America deeqdan cumputarada ah ee ay soo gaadhsiiyeen






