- Og: Dhamaan xubnaha Jaaliyada
- Ku: Dhamaan Salaadiinta reer Maakhir
- Ku: Head of Horn Relief
- Ku: Dhamaan bulshada reer Maakhir ee gudaha
- Ku: Dhamaan bulshada reer Maakhir ee dibada
Ujeedada Dkl/11: Taageerida goomadii Salaadiinta
Ka dib markii jaaliyada beesha ay yeelatay kulan looga hadlayo qalabka dekadda Laasqoray, waxay jaaliyada go’aansatay in ay taageeraan go’aamadii ay qaateen Suldaanka guud ee Beesha iyo Salaadiintii kale ee ku saabsanaa xanibaada ama joojinta iibinta qalabka Dakadda Laasqoray.
Waxaan taageeradan ku muujinaynaaa in go’aankaas uu yahay talaabo wax ku ool ah oo ku jirta danta guud ee bulshada reer Maakhir.
Waxaan kaloo la socod siinaynaa Hay’ada Horn Relief in loo xuli doono masuuliyadda qalabkaasi gudigii kale wareegi lahaa hay’adda.
Wixii faahfaahin dheeri ah kala xiriir
Abdihakim Kadiye Ali
