Jaaliyadda Reer Maakhir ee ku dhaqan Dalka Sweden ayaa Maanta si weyn uga soo horjeedsatay Xukuumada Cusub ee Farmaajo ku dhawaaqay Maalinimadi Jicmaha Waxayna taageero kal iyo laaba siiyeen Xildhibaanada Reer Maakhir iyo Nabadoonada Deegaanka Maakhir ee Go’aanka Geesinimada leh ka qaatay Xukuumada Farmaajo
Jaaliyadda Reer Maakhir ee dalka swaden ayaa dhaliilay Xukumada Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo kedib markii jamcadii uu ku dhawaaqay xukumad cusub oo beesha reer maakhir ka weyday saamigii ay ku lahayd Xukuumada, Bulsha waynta reer maakhir ayaa si kuluul u cambaareeyay arintaas waxayna ku tilmaameen Farmaajo in uu ku sameeyay Beesha Maakhir Cadalaad daro.
Baaqa jaaliyada waxa uu imaanayaa iyadoo ay maanta mudaarahaadyo kala duwan ka dhaceen Gobolada Maakhir gaar ahaan Magaaladda Badhan ee Gobolka Sanaag waana markii u gu horaysay jaaliyada baaq ka soosaarto inti lagu dhawaaqay xukumada cusub .
isku soo wada duuboo jaaliyada ayaa ugu baaqday Xldhibaanada Matala Gobolda Sanaag Haylaan iyo Bari in ay dib ugu soo laabtan Deegaanka ay kasoo jeedaan, Xukumada cusub waxey noqotay hadal hanta ugu badan ee sweden dhinaca kale jaaliyada wexey soo dhoway say mudaarahad kii maanta ka dhacay badhan ee xarunta 2 beed ee sanaag.
Dhinaca kale qurba joogta beeshe majeerteen ayaa dhaliilay xukumada cusub ee uu soo magacaabay Farmaajo waxayna ku tilmaameen mid aan ku saleysnayn miisaanka Fadraalka ee ay wax ku qeybsadaan Beelaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale Waxaa xusid mudan in ay Beesha reer Maakhir noqtay Beeshii ugu horeysay ee soo dhaweysa Soo magacaabista Farmaajo islamarlaana Mudaharaadyo ay kusoo dhaweynayaan ugu qabatay Farmaajo Magooliyinka kala ah Badhan. Dhahar,Laasqoray iyo Hadaaftimo yadoo uu farmaajo taas badalkeedi ugu jawaabay Beesha reer Maakhir in uu dhaafiyo Saamigii ay ku lahayd Xukuumada Cusub.
Dhinaca kale odayaasha Reer Maakhir ayaa maanta bbc-da ka sheegay in ay kabaxeen Xukumada cusub maxamed cabdulaahi farmaajo, waa Raysal wasaarihii ugu horayey ee bulshada reer maakhir saamigada Siin Waaya inta la ogyahay taariikhada,
Waxa jirah beelo badan oo somaaliyeed kasoo horjeedsaday Xukuumada Cusub ee Farmaajo qaarkoodna Waxayba dib ugaa noqdeen Kalsoonidii Waxaana Beelahasa kamid ah Beesha Habar Gidir, Gudabiirsay iyo Majeerteen, dadka siyaasada soomaaliyada ka faaloda ayaa sheegay in aan xukumada cusub aan waxa soo kor dhinayn iyada oo ay dowlada soomaaliya ku guuldaraysatay aamanka dalka somaaliyada
Dhinaca kale waxa la filayaa Maalmaha Soo Socda in ay jaaliyaddaha Ree Maakhir ee ku dhaqan yurubta kale ay baaq ka soo saaraan gefka uu kula kacay Farmaajo Beesha Reer Maakhir.
Warbixintan Waxa Soo diyaariyay oo nasoo gaadhsiiyay Daahir Siciid Muuse oo Ku Sugan Dalka Sweden.
Laasqoray.NET-
Laasqoray.NET@gmail.com
