Jaaliyadaha Maakhir ee Bariga Africa waxay Taageero iyo Garab u Muujinayaan Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Gudiga Odayaasha Maakhir ee Dubai kaasi oo qabsoobay [6th Octobe]Shirkaasi oo ay ka dhex Muuqdeen Guurti iyo Ganacsado,Siyaasiyiin ayaa Go’aankii laga soo saaray ahaa in Jaaliyadu ay Gudi qiimayn Baahsan ku soo saamaysa Deegaankii ay dirayso isla markaana Jaaliyadaha Kale ee Deegaanka looga Fadhiyo inay Shirar qabsadaan oo Diraan Gudi iyana dhankooda.
Go’aankaasi waxa Taageeray Dad badan oo Nagala soo xidhiidhay, Dalalka Bariga Africa kuwaasi oo xusay inay Muhiim tahay in Dib loo eego Masiiro Dalkii ku sugan yahay Maanta. Riix Halkan Go’aamadii Shirkii Dubai
War-Saxaafadeed
Ujeedo Taageero Shirkii Dubai, ee Sumada Taariikhdiisu ahayd,[6th Octobe,20011]
Anaga oo ah Jaaliyadaha Maakhir ee Kenya iyo Uganda waxaanu soo dhawaynaynaa Shirkii Odayaasha ee Dubai dhawaan ka dhacay kaasi oo War-Murtiyeed Qiimaha leh laga soo saaray aadna loo Sugayay dhawaahana Shirkaasi in Go’aan Midha dhal ah laga soo saaro.
Hadii aanu Nahay Jaaliyadaha ku dhaqan Dalalka aan Kor ku xusnay waxaanu Dhiiri Galin iyo Badhi-taarid la Garab Joognaa Dhamaan Cid kasta oo Doonaysa inay Deegaankii Xaaladiisa wax ka bedelaan Hadii ay Ahaan Lahayd dhanka Amaanka, Caafimaadka, Kobaca Taliinta iyo Abaabulka Shirwayne Aaya Ka Talis ah oo Dalkii ka Qabsooma.
Waxaanu Taageersanahay oo aanu Cudud Dhaqaale iyo Mid kaleebtoba ku Bixinaynaa Shirwayne Kasta oo Deegaanka Xaaladiisa Looga hadlayo Kaasi oo ka Madax-Banaan Maamulada Hareeraha ee Somaliland iyo Puntland.
Jaaliyadaha Maakhir ee Uganda iyo Kenya waxay u soo Jeedinayaan Dhamaan Qurba Joogta Deegaanka iyo Aqoonyahanka inay Dhulka iska qaadaan oo ay Geed Dheer iyo Mid Gaaban u Fuulaan sidii Hay’addaha Daneeya Arrimaha Horumarinta Soomaaliya looga dhaadhicin lahaa in Gobolka Sanaag iyo Hayland ay Yihiin Kuwa Amaan ah oo Xasilooni Buuxdaa ka Jirto isla markaana Shaqaalaha Ajaanibka ah Gargaarku ay Booqan Karaan.
Gudiga Maakhir Emailkan Hoose Kala xidhiidh Wixii Macluumaad ah

