webmaster@laasqoray.net

Jaaliyadaha Reer Maakhir ee Dibada oo yeeshay Shirweyne Dhanka Teleephanka ah oo Loogu Gogol Xaadhayo Maamul Goboleedka Maakhir State.

Shir telefoonkii ugu tiro badnaa oo abid ay ku kulmaan ama ka soo qayb galaan Bulshada Reer Maakhir oo ku nool daafaha Aduunka ayaa qabsoomay maanta oo bishu tahay Nov.28,2010, si guul weyn ahna ku dhamaaday ,shirkaas oo ku saabsanaa sidii maamul loogu samayn lahaa degaanada Maakhir

Dadkii ka soo qayb galay kulankan Telefoonka ayaa waxay ku sugnaayeen dhamaan Magaalooyinka Waqooyi Amerika,Yurub,Bariga dhexe iyo Afrika inta Bulshada reer Maakhir ku abtirsataa ku badan yihiin.

Shirkan oo uu furay Garaad Cali Yuusuf wuxuu ku bilaabay hadaladiisii Duco iyo dardaaran,waxa markaa ka dib la gartay in lagu hormariyo lagana war qaato Waxgaradkii ,Siyaasiyiintii iyo Isimadii ku sugnaa magaaloyinka ku yaal Afrika gaar ahaan Magaalooyinka Badhan,Boosaaso,Dhahar.Garoowe,Ceergaabo,Muqdisho oo magaalo kasta oo ka mid ah Magaalooyinkaa waxa laysugu yimig goobo cayiman oo dad bdani ku sugnmaayeen waxayna ahayd goobtii ugu badnayd magaalada Badhan.

Dadkii u horeeyey oo ka hadlay madasha sirka Telefoonka ee Bulshada reer Maakhir waxa ka mid ahaa waxgaradkii iyo Isimadii ku sugnaa Magaalada Badhan iyaga oo dhamaantood ka dhawaajiyey sidii loogu samayn lahaa Maamul goboleed degaanka kaas oo noqonaya mid wax u qabta dadka iyo degaankaba

Shire Maxamed Saalax oo tusaale ka bixinayey meesha maanta ay marayso mandaqada Maakhir wuxuu sheega in Sanadkii kacaanka 1969 ilaa maanta oo maalmo inaga xigaan 2011 ay ka danbaysay 42 sano ayna tani la mid tahay daar ka kooban 42 Dabaq , maanta Bulshada Reer Maakhir ay marayaan Dabaqa u hooseeya sida looga bixi karaana ay tahay wada tashi iyo dadaal isaga oo sheegay in Bulshada ku nool gudahu ay diyaar u yihiin maamul loo sameeyo degaanka lagan sugayo talada qurbo joogta oo aan ahayn kuwo aan ka cilmi maal badnay kuwo samaystay maamulada kale oo ka jira Soomaaliya

Sidoo kale waxa ka mid ahaa dadkii kale oo ka hadlay khadka telefoonka Xildhibaanada Baarlamaanka dawlada KMG oo ka soo jeeda Degaanada Maakhir kuwaas oo ah kuwii ay doorteen Isimada iyo Shacabka Warsangeli oo had iyo jeer ku hadli jiray magacooda,waxayna sheegeen Xildhibaanadani in ay aqbaleen baaqii Odayaashu u soo jeediyeen oo ahaa in ay ka soo baxaan dawlada uguna soo laabtaan degaankooda wada tashi,sidaas awgeed ay dhowaan ku laaban doonaan degaanka si ay uga qayb qaataan Maamulka la samaynayo iyo sidii y ula tashan lahaayeen bulshada ay matalaan oo ay ku joogaan Magacooda Muqdisho.

Siyaasiyiin horay u aaminsanaa Maamulka Puntland oo ku sugnaa degaano ka mid ah Maamulka Puntland aya sheegay in lagama maarmaan tahay in degaanka maamul loo sameeyo isaga oo tusaale u soo qaatay in la qoray maalmahan Ciidan loogu yeero la dagaalanka budhcad badeeda oo gaaraya 1200 oo Askari wuxuu sheegay siyaasigan ku jiray 10 sano maamulka Puntland in Beesha Warsangeli ee Cumar la siiyey 9 Askar,Beesha Dubeysna 6 halka Beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen oo ah Beesha uu ka soo jeedo madaxweyne Faroole iyagna la siiyey 600 oo Askari.

Waxyaabihii kale oo Muhiimka ahaa oo qaar ka mid ah waxgaradku ka sheegeen shirka waxa ka mid aha in Hadii Beesha walaalaheen ah ee Dhulbahante inoo yimaadeen oo inaga codsadeen in aan maamul wada samaysano ay waajib tahay in inagu marka hore aan samaysano maamul dhamaystiran ka dibna maamul tayo leh ay wada samaystaan labada Beelood oo walaalaha ah .

Waxa kale oo ka hadlay shirka waxgarad iyo siyaasiyiin badan oo ka soo hadlay Magaalooyin badan oo ka mid ah Yurub iyo Maraykanka iyaga oo dhamaantood sheegay in lagma maarmaan tahay in la sameeyo maamul xiliganina uu yahay kii ugu wanaagsanaa mrxlada lagu jiro oo degaanka Bari iyo galbeedba weerar looga yahay

Barnaamijkan oo socday Saacado badan ayaa waxa daadihinayey oo aad looga mahad celiyey sida u xiriirinaayey Mudane Gurey Hurre Dirir waxaana ugu danbyntii la doortay labo gudi oo kala ah mid abaabul iyo mid farsamo waxayna kala ahaayeen sidan

Gudiga farsamada

1-Axmed Jaamac Xaamud

2-Cali Faatax

3 Jamaal Maxamed Xasan

4-Cabdulqaadir Xirsi Faroole

5- Siciid Faahiye

6-Mahdi Cali Ayaan

Gudiga abaabulka iyagana waxa loo doortay

1-Gurey Hurre Dirir

2-Maxamuud Axmed Cabdalle

3-Sugule W.Sugule.

4-Muna Jaamac Cabdi Raage

5-Kaalid Cabdulaahi Ibraahim

LaasqorayNet-

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

16 Responses

  1. warsengeli hawshaad waedaan ha ka harina ee sii wada waad gaari doontan ujeedkina waxaa la idinku yaqan wax in ad bilowdan oo kahartan, waan hubaa in aad hirgelindoontaan, horurumarkan ad ku talaabsateen, waa ogtihiin putlan waxy ku dhisan tay beelo walaalo ahaan wax isugu darsadey hadana waxay mareysaa naga baxa mamulkayaga majeerteen.markii hore baryo beyahayd aan wax wada qabsano, waana lawada qabtey sidaa darteed majeerten waa abaalaawayaal,waxay latahay in aan wax laqabsan karin. laga aqon badan wax kastana waa laqabsankaraa.ha ogaateen majeerteen, harti waa tegey waxaa ku xiga majeerteenka kale,

  2. salam dhaman ninka la yidhah abdi wu iga qosliye wuxu yidhi warsangali cadifad ba haysa(no doubt warsangali they have emotional roller coaster they r isolated nation who thinks they r civilized which they’re not, every time something happens to them they whine and sob about it barley they can do thing for them selves they waiting 4 miracle to happen I do disagree how ever with him abdi in one thing which is the hunguri part wa laga hunguri wayanyey but let me say when it comes to calaacal ,,they r the father figure of calaacal they whine may be may be because they r an abounded child who’s looking for an attention. Well it may work sometime it may not. I do like criticizing my fellow tol warsangali they take it seriously haayaay hoognayey na so gadhay wa nala weerary this type of thing waa lagu yaqan ragayaguna xantuun u sheeg waa laysu qoslaa deedna marku kii kale ka dhaqaqo ayey yidhadan wari hedhee kee bu ahaa oo muxu ahaa mandhow ma ina hebel waa nin xune naga daya. kaa ay yidhahdan wuu xunyey ka dil no hard feeling bye don’t take it as personal LOOL

  3. Wax waliba waqti iyo struggle bay maraan. Inshallah we will succeed in our best efforts. Eedana halal yareeyo, maxaa yeeley qofk a dantii ehelkii iyo sinjiga uu ku abtirsado ka doorbidey lacag iyo boos aan qiimo fog leheen, waxaa sababey cadawga Warsangeli iyo kan Somali oo dhan.

  4. waxaan aad uga cudurdaaranany in lagu qaraabto magaca sharafta iga mudane ee waaciye qofka waaciye ku qaraabanayaa maaha reer waaciye waxuu ka turjumayaa sinsibaari markaa sinsibaariyo raali naga ahoow basku waabuuxaa boos kaagama banaana siibaq ama hasii baqin walee war jiraaba cakaara ayuu imaan

  5. samatar layaabi maayo wuxuu ka mid yahay uun dadka ka xanaaqa reer maakhir oo tashanaya samatar ha ka hordhicin wax kasta waa ka soo bixi karaan shirka mise hadi la isu yimaadoba baad shaki kaaga jiraa in adiga ay kusaamaynayso waa wax lalayaabo dad tola baalayahay hadana in markii reeer maakhir ay wada tashanayaan lala coloobo dee tol lagu noqon maayo samatarow hargeesada aad sheegtayna waadad aanu derisnahay boosasona waa magaaladayadi dadka gaadhigu kasoo qaado gobolada fog fogna maalin dhow waa iska huleelayaan sidaa lasoco ilaawaaciye to boosaso waa xiro dishiishe iyo dubays markaa waa isdareensantahay meelaha aad kacabanayso weeye salaama inaader

  6. war majeerteen hadaba dhakhleynina eh ordayo oo muumul inoo sammeeya kana soo guura boosaaso oo laasqorey ku soo noqda sidii ay doonyuhu u iman jireen 90yadii ha u yimadaan laasqorey ee. Teeda kale isxaasidka iska daaya xasad baa laydunku salid
    tolow hurdada ka kaca.

  7. Salaam ka Bacdi nimanyoho Dadkaaga iyo Naftaada midna Been looma sheego warsangeli
    Marka Hore Caday maquudhaan baad tihiin marka xigana Dhaqanka Doofaarkaad Leedihiin oo Nin alaale ninkii Idinak dhasha oo wax idiin Tari kara waad la coloowdaan oo cadaan
    marakaas Buu idinka Cararaa Caamadana waad urursataan markaas baad Caami isugu tagtaan

    markaa waxaan idinkula Talin lahaa hadhigina kiishka Baryada wadada isku Xidha
    Boosaaso iyo Hargeysa
    sii hay oo soo haya

    Sidaas iyo salaama Reef Tolow

  8. Shacabka Reer Maakhir hurdada aano ka kacno, dad na la mid ah, ayaa dowlad qabiil sameestay.

    The Future is Maakhir State of Somalia, aamin insha allah

    Maamul Goboleedka Maakhir ee Somalia waa mustaqbal wanaagsan ayuu u horseedayaa shacabka Maakhir

    Ani waxey ila tahay in Walaala Dhulbahante iyo Warsangali midoobaan oo wax wada qabsadaan, waayo somalidiidka idoor iyo majeeteenka ayaa dhibaata ku haya Dhulbahante iyo Warsangali

    Maakhir STATE iyo SSC STATE waa inay sameestaan Gaashaanbuur ciidan military alliance ( USP PACT) si ee iskaga kaashadaan daalimiinta Soamlidiidka iyo Puntland ee duulaanka ku haya dhulka iyo dadka Warsangali iyo dhulbahante

    Ceergaabo waa caasimadii warsangali waa in laga xoreeyaa cadowga, sidoo kale Laas Caanood waa caasimadii Dhulbahante waa in laga xoreeya cadowga

    Waa xaqiiq Mushkilada ugu wayn ee haysata Warsangali iyo Dhulbahante waa cadaqaatayaasha PL iyo SL wax ka qaada, kuwaas hala KHAARAJIYO SI DEGDEG AH

    Dhul badan ee Warsangali iyo Dhulbahante lee yihiin ayaa la heystaa ama la guumeestaa sida Ceergaabo, Galgala, LaasCaanood, Yagoori, Caynabo, etc

    Dhamaan waa in waqooyi Somalia laga xoreeyaa Somalidiidka

    USP ALLIANCE ( Warsangali, Dhulbahante, & Awdal)

  9. Majeerteenku waxay dhegaha utaagaan markay maqlaan warsangeli baa shiray waxay ogyihiin
    in ay Been isu sheegayaan oo aanay Bllaale Cadayn karin waxana uquudhin dhulkooda iyo dadkooda waxay wax ku qaybsanayaan ama
    ududayaan mashaariicda ay Hirgiyaan Qurba joogat Reer Gaalkacayo ama Reer Boosaaso iyo
    Cashuurta bixiyaan Shicibka majeerteen bay Goortay waxba Quudhi Kari waayaan waxana qaban Kari waayaan Dhahaa majeerteen baa waxan dhacay

    War shira oo Run ku shira waxana quudha
    kadib majeerteen wax waydiiya
    Haydin la soosiyee

  10. majeertenku markay maqalaan warsangeli baa shiray maxay sidii ey la dilay u qayliyaan , waxaasi waa cabsi iyo fulaynimo ay qabaan , war anagu qof majerteen ah colaad uma qabno mana nebcin laakiin maamulka garoowe fadhiya dani nooguma jirto, haddi faroole xaafadiisa iyo reerkiisa u xamaalayo maxaa diiday in aanu naguna u tashanoo oo degaankayaga u shaqayno , majerteenka mar marka qaar waad la yaabaysaa waa gafane dhiig jaqaya oo hadana i daaya leh ,

  11. Ku: waaciye@hotmail.com
    Dishishe waa ineey kuu sinaadaan beelaha Majereten iyo Warsangeli ma aha in aad Majeerteen la safato lol

  12. Ku: waaciye@hotmail.com
    Maandhoow Dhishe ayaad tahay maxaa ku daarey, oo aad ugu kala safan labada beelood ee kuu siman ee Majeerteen iyo Warsangeli lol

  13. Puntland Majeerteen iyo Faroole toona maleh. Waa dhul Somaliyeed. Cidna kama xigto Warsengeli. Waxaa u badan Darood, gaar ahaan Harti. Waxaa kale oo daga dad kale oo badan sida Carab Saalax, Leelkase, iyo daarood kale. waxaa jooga Soomali oo dhan.

    Waa gar in Soomaalidiidka ku lasocda lafongoro, laakiin halkaa yay dhaafin waayo, qabyaaladdu hadday halkaa dhaafto hadhow Warsengeli ayaa sii kala baxaya ee joojiya. Wax Puntland ka yari waxba maahan. Waa laddogiye yaan ladacaroon.

  14. walhay majerteen waa niman goba oo lal nolan karo haday noqoto dhaqan xeerin iyo kal damayn wana dad kuleh ixtiram iyo nidam mujatmaca udshay puntland iyo kuwa kale ee somaliyed anigu waxan qaba hadad gostan hadanu nahy majerteen iyo dishishe waa laydin ka marma oo de awalba uma aydan hayn jidka wixi mara ila bosaso galkacayo wax la oran karo wa wax micna ku fadiya dulbante wa ka marna si socda marna so socda warsangali waa kuwa nokenay nin walan oo dadka madaxa ku dufanya oo cadwagi puntland so adegsaden aderayaol aynu kala fududano an oaran laha

  15. wale waxan ka yabay warsangali cadifada iyo qurunka iyo hunguri xumada haysata harti inta ku abtirsata wax calaa calya iyaga jira oo inta ka hadlaya cuno iyo hunguri an umada kale kujirin iyo xaasidnimo iyo qurun war dad ama mujtamca kuso noqda intad iska daysan cadifada doqoninada ah somali manta nin walba waa qabiil ma diidani lakin idnka wax aad ku cala calysan bad uhaystan wax fican oo aad isku bahdilaysan macdan ba labraya mashruc ba lana dinac mariyay qalab ba la ibasaday mideda kale miyadaan is dhamin halki cala cal ad shegtan kuli wad so qoratan anigu waxan oran laha waa ceeb waxasi umadu wixi dulman urkoda ay ku haystan mana didani dulmi in somaliya manta ay jido mel uu ka maqan yahay lakin wax walba wala ga baxa wakhti iyo samir bay ledahay yesha taa wax an waxba idn so celinayn itaad ku hadqaysan

  16. Maasha Alah, Go Maakhir state, waxaan shaki ku jirin in Faroole iyo Majeerteen tashadeen, Maamulkaasina iyaga gaar u yahay hada, markaa waxa aynu sugnaaba waa waxqabad, Inaagaa halkaa is dhegnaa waaa in aan ka kacnaa, Sheekhadii Khiyaaliga ahayd, Iyo Hartadimo , Walaalo baynu nahay socon waydey.

    Dhulbahante tooda faraha looga qadaado, iyaga dhulkoodii baa la haystaa,

    Mushkilada ugu wayna waa cadaqaatayaasha PL iyo SL wax ka qaada, kuwaas hala iska jiro