webmaster@laasqoray.net

Jaaliyadda Maakhir ee Kuwait oo Gen. Ilka Jiir U samaysay Qado sharaf

Waxaa maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 21/4/2011 Booqasho shaqo ku yimid dalkan Kuwait wasiirka arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Puntland Gen. Abdullahi Ahmed Jama(ilkajiir).

Waxaa wasiirka si diirran halkaa ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Jaaliyadda Maakhir oo isugu jira Odayaal iyo aqoonyahan degaanka u dhashay.

Ka dib markii uu wasiirku dhamaystay hawlihiisii shaqo ee rasmiga ahaa waxaa maalmihii Jimcaha iyo Sabtidaba qado sharaf u sameeyey Jaaliyadda Reer Maakhir ee deggan Kuwait.

Waxa uu wasiirku uga warramay jaaliyadda guud ahaan Puntland gaar ahaan Degaanada maakhir iyo dhibaatooyinka ka jira sida; abaaraha baahsan oo ay la qabaan waddanka soomaaliya oo dhan, waxana uu ku dhiirrigeliyey in ay ka qayb qaataan hawlaha gurmadka iyo biyadhaamiska lagu kaalmaynayo dadka dhibaataysan.

Sidoo kale waxaa wasiirku jaaliyadda ku booriyey midnimada Puntland iyo in ay ka qay qaataan hawlaha hormarineed ee guud ahaan Puntland gaar ahaan Degaanka Maakhir.

C/Risaaq Cali, Kuwait

Comments are closed.