waxaa maalintii 2aad ka socda magaalada Muqdisho kacdoon looga soo horjeedo hindisaha heshiiskii 2da Shariif ee magaalada kampla oo ku cadaa in Raysul wasaare cusub loo soo magcaabayo Dowlada ku meel gaarka ah taasoo meesha ka saareysa raysul wasaaraha hada shaqada haya ee Farmaajo
Khasaaraha ka dhashey banaan baxyadii maanta oo ka balaarnaa kuwo shaley ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay isugu jiraan dhimasho iyo dhaawac iyo weliba iney wax soo gaaraan qaar ka mid ah hoteelada ay degen yihiin qaar ka mid ah xildhibaanada Dowlada ku meel gaarka ah.
Dadweynaha kacdoonka wadey ayaa waxay ku dhawaaqeyeen ereyo ku lid ah 2da Shariif oo ay ka careysnaayeen qaabka ay ula dhaqmeen Wasiirka 1aad Maxamed Cabdullahi Farmaajo isla markaana ku tilmaamey iney tahey khiyaamo qaran.
Sidoo kale waxaa dadka banaan baxyada wada la socda ciidamo fara badan oo ka gadoodasan Dowlada isla markaana ilaalo ka haya dadka kacdoonka wada iyadoo ay ciidamadaasi ay isku dhaceen ciidamo ilaalinayey hoteelka Madiina ee Degmada Xamar jajab isla markaana sahley in markii danbe uu hoteelkaasi ay dadku gudaha u galaan ayna dab qabadsiiyaan.
Raysul wasaaraha ayaa aqlibiyad ka heley shacabka reer Muqdisho isagoo noqdey mid wel wel ku abuurey 2da Shariif isla markaana ay dadku ka biyo diidan yihiin qaabka foosha xun ee loola dhaqmey Maxamed Cabduulahi Farmaajo.
