Badhan : Waxa saaka subaxnimadii si rasmi ah loo furay kalfadhigii 2aad ee golaha degaanka ee degmada Badhan , waxana ka soo qayb galay xubno ka socdey xukuumadda PL oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Dekedaha Md. Abshir Siciid Saalax , Laamaha dawladda ee heer gobol oo uu u mudan yahay Guddoomiyaha gobolka Md. Maxamuud Siciid Nuur , xubnaha golaha degaanka , isimo , cuqaal , ganacsato , jaaliyadaha dibadda , culimaa’udiin ,aqoonyahan, dhallinyaro , haween iyo guddiyada xaafadaha .
Ugu horrayntiina waxa aayado quraan ah iyo wacdi ka hadlayey masuuliyadda ku furay Shiikh Maxamuud C/qaadir oo loo yaqaan Macallin Maxamuud, waxana ku xigey filim dukumenti ah ( Documentary Film ) oo halkaa lagu soo bandhigay kana hadlayey wax qabadkii golaha degaanka mudadii sagaalka bilood ee uu jirey, iyo kaalmooyinkii danyarta loogu talo galay ee soo gaadhey degmada mudadaas iyo ciddii ka faa’iideysatey , sidoo kale waxay soo bandhigeen xisaab celin ku saabsan waxyaalihii loogu deeqay golaha ee kala ahaa qalab iyo lacag , iyo weliba wixii lagu qabtay oo ay ugu muhiimsanayd gaadhi iskaroga ah oo dawladda hoose loo iibiyey si qashinka loogu guro. Sidoo kale waxay faahfaahiyeen waxyaalihii ay bulshada kala qayb galeen sida : dhismaha cusbitaalka caruurta , dhismaha jaamacadda iyo isku xidhka bulshada gudaha iyo jaaliyadaha dibadda.
Guddoomiyaha Golaha degaanku waxa uu u mahad celiyey Jaaliyadaha gaar ahaan Jaaliyadda Waqooyiga Ameerika oo qalab Computaro ah soo gaadhsiiyey iyo Jaaliyadda Ustralia oo dhaqaale ugu deeqay , sidoo kale waxay u mahad celiyeen : Ganacsatada Boosaaso , Hay’adda Tadamun , DRC, HR , Salaam iyo cid kasta oo bulshada waxtartay. Waxa kale oo ay si gaar ah u ammaaneen Cuqaasha degmada oo iyagu sabab u ahaa dhisamaha Golaha degaanka .
Waxa isaguna halkaas khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Wasiir ku xigeenka wasaaradda dekedaha ee PL Md. Abshir Siciid Saalax oo sheegay inuu ku faraxsann yahay kasoo qayb galka kalfadhiga 2aad ee golaha degaanka iyo wax qabadkiisa , sidoo kalena ku dhawaaqay dhaqaajinta cashuuraha , dadweynahana ka codsaday bixinta cashuurta si degmada loogu hormariyo , waxa kale oo wasiirku carrabka kudhuftay wefti Somaliland ah oo soo gaadhay Ceergaabo wuxuna yidhi “ Waa niman u dhashay degaanka , hase yeeshee sumad xun bay sitaan , una ogolaan mayno iney degaanka soo galaan “ , wuxu ku dheeraaday midnimada bulshada iyo wax wada qabsiga .
Dadkii hadalada qiimaha leh halkaas ka jeediyey ayaa waxa ka mid ahaa : Guddoomiyaha Gobolka , Islaan Xuseen Xaaji Cabdi , Ugaas Ibraahim Cali Shibbiin , NB. C/laahi Cabdi Ibraahim , Maxamuud Aadan Jaamuus (Saanbuuse) oo ku hadlay magaca Jaaliyadaha , Maxamuud KK , iyo Xaawo C/laahi Warsame. Waxa Maansooyin xiiso leh iyaguna golaha ka jeediyey abwaanka da’da yar Cali Xuseen Soomaali , sidoo kale waxa buraanbur lala dhacay jeedisey Faadumo Axmed Saalax .
Isku soo wada duuboo , dadweynaha degmada Badhan ayaa waxay halkaas kala kulmeen arimo yididiilo horumarineed u muujiyey , iyo rajo wanaagsan oo ku aaddan dawladnimo iyo daacadnimo ka muuqatay golaha degaanka.
SAWIRO KALE DAAWO
Shirkii oo si habsami leh u socda,
Marti sharaftii oo ku sugan madasha Kalfadhiga.
Maayarka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, Mudane Cabdirisaaq Axmed Ciise.
Nabadoon Maxamuud Xasan oo ka hadlaya Madasha Shirka.
Qaar ka mid isimada iyo Guurtida Degmada Badhan oo ku sugan Madasha Kalfadhiga
Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Maxamud Nuur Saciid [Dabayl] oo Kalfadhiga kasoo qayb galey.
Cali Xuseen oo isna goobta Kalfadhiga 2aaad ee Golaha Degmada Badhan ka hadley.
Caaqil Cabdullahi Cabdi Ibraahim oo ka mid ah Caaqilada ugu caansan ee Sanaag oo ka hadlaya Madasha shirka.
Board-ka ku dhegan madasha Kalfadhiga.
Aqoon yahnada Badhan oo ka mid ahaa MARTI Sharafta Madasha shirka
Madasha Kalfidhiga ee muqaalkeeda dibada
Maxamuud Ciyoon / Badhan .











