webmaster@laasqoray.net

KFAI Radio: Wareysi Cadnaan Cabdalla Hiirad Oo ku guuleystey deeq waxbarasho Mareykanka tan ugu sareysa.

New York (KFAI Radio): Cadnaan Cabdalla Hiirad waa nin dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo ku dhashey magaalada Muqdisho sanadka markuu ahaa 1986 kuna barbaarey magaalada Burco, isla markaana Chemistry ku qaatey shahaadada Bacholar Degree magaalada New York, durbana nasiib u heley in uu shaqo cilmi baaris ah ka sameeyo University of Pennsylvania.

Cadnaan Cabdalla Hiirad ayaa wuxuu ku guuleystey barnaamij lagu magacaabo MD/PhD kaasoo ah waxbarashada midi ugu sareysa isla markaasina ay ku baxaysa in kabadan Nus Million Doolar isla markaasina soconaya 7-8 sano inta u dhexeysa.

Barnaamijka MD/PhD ga oo ay deeqdiisu waxbarasho dowlada Mareykanka siiso dad aad u tiro yar sanadkii ayaa waxaa loogu talagalay in lagu soo saaro dhaqaatiir isla markaana cilmiga baaris sameyn kara oo aan ku ekeyn daaweynta bukaanka, laakiin heli kara soo-saarista daweeyinka iyo xal u helida cudurada.

Cadnaan Cabdalla Hiirad ayaa waxay idaacada KFAI oo laga dhageyso mowjadaha 90.3 Magaalada Minneapolis iyo 106.7 FM Saint Paul ayaa waxaa wareysi la yeeshey Saalax Doonyaale oo kala sheekeystey barnaamijka uu ku guuleystey kadib markii maalintii sabtida ahayd loogu qabtey xaflad lagu magacaabo “White Coat Event” taasoo ah xaflada Koodhka Cad ee la gudoonsiiyo ardeyda Caafimaadka baraneysa isagoo waxbarashada ku dhameysan doona Jaamacada University Of Rochester, New York.

HOOS KA DOWNLOAD GAREE FILEKA

www.spr.fm/audio/cadnaan_kfai_interview.mp3

 

Comments are closed.