Warar naga soo gaaraaya Degmada Xaafuun ee xeebta fog ee Gobolka Kar-kaar ayaa waxa ay sheegaayaan in halkaasi ay kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ku qafaasheen dad u dhashay dalka Yemen kuwaasi oo xilligan uu qof kamid ah ku jiro gacanta Burcadda Badda.
Kooxaha Burcad Badeedda ayaa xeebta Degmada Xaafuun ka kaxaystay doonni kalluumaysi oo ay saarnaayeen 28-ruux oo isugu jira kalluumaysato u kala dhalatay dalalka Soomaaliya iyo Yemen kuwaasi oo ay siidaayeen 26-kamid ah halka ay doontii kula hareen 2-kamid ah oo u dhashay dalka Yemen.
Labada ruux ee ay kooxaha Burcad Badeeddu kula hareen doonta ayaa waxa ay kala ahaayeen Naakhuudihii doonyta iyo sidoo kale Kuugii ama Cunto karahii doonta, hase yeeshee mid kamid ah labadaasi nin ayaa waxa uu ka baxsaday kooxaha Burcad Badeedda kadib markii ay yimaadeen meel kamid Deegaanada Xeebaha ee Degmada Xaafuun hoos yimaada.
Warar ku aadan ninka kale ee hadda ku jira gacanta Burcadda ayaa waxa ay sheegaayaan in ninkaasi dhaawac yahay isla markaana uu dhaawac kasoo gaaray rasaas ay la beegsadeen kooxda Burcadda ah xilliga ay afduubka u gaysteen doontii ay saarnaayeen raggaasi kalluumaysatada ahaa.
Maxamed Bashiir Cabdi Maxamed oo kamid ah waxgaradka Degmada Xaafuun ayaa mar aan khadka taleefanka kula xirirnay waxa uu sheegay in kooxdaasi Burcadda ah ay muddooyinka Deegaanadaasi ku haystay dhibaatooyin xooggan oo ay kamid yihiin ka samaynta Deegaanka ee falalka xun xun isla markaana kasoo horjeeda Diinteenna Suubban ee Islaamka.
Maxamed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa waxa uu Dawladda Puntland ka cosaday in ay Deegaanadaasi ka taageerto sidii looga saari lahaa kooxaha Burcad Badeedda ah oo faro kulul xilligan ku haya.
Ugu dambayntiina waxa uu sheegay caaqilku in xilligan dadka Deegaanada Xeebaha ah ee Gobolka Kar-kaar ay diyaar u yihiin sidii ay dagaallo ula geli lahaayeen kooxahaasi Burcadda ah haddii ay helaan cid ka taageerta ama ka gacan siisa.
Falalka ay kooxaha Burcad Badeedda Soomaalidu ku qafaasheen doonta ay saarnaayeen kalluumaysada Soomaalida iyo Yementa isugu jira ayaa waxa uu qayb ka yahay falalka afduubka u badan ee inta badan shaqada u ah kooxaha Burcadda Badda Soomaaliya.
Laasqoray.Net-
