webmaster@laasqoray.net

Kooxo Hubaysan oo Dil, Dhaawac iyo Dhac Ka Gaystay Deegaanka Afka Saliib ee Degmada Laasqoray ee Gobola Sanaag.

Wararka ka imaanaaya Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegaayaan kooxo hubaysan ay halkaasi dil iyo dhac ugu gaysteen qaar kamid ah shaqaalaha Waxaaladda Qaran iyo Hay’adda Horn Relief.

Kooxahan hubaysan ayaa la sheegay in ay dil u gaysteen 1-ruux sidoo kale ay dhaawac u gaysteen 2-kale, qofka dhintay iyo labada dhaawacantay ayaa ka kala tirsanaa shaqaalaha Horn Relief iyo xawaaladda Qaran Expreess iyadoo sidoo kale ay kooxahaasi dhac u gaysteen lacag gaaraysa $30,000 taasi oo uu maamulka Degmada Laasqoray ku sheegay mid loogu talagalay taageeridda dad dhibaataysan oo ku nool Deegaanka Afka Saliid kaasi oo 30-km u jira Degmada Laasqoray.

Guddoomiyaha Degmada Laasqoray Yuusuf Jaamac Debed oo arrintaasi faah faahin ka bixiyey dilka iyo dhaca ka dhacay Deegaanka Afka Saliid, wuxuuna sheegay in kooxahaasi dhaceen lacag loogu taagalay in lagu taageero dad dhibaataysan, sidoo kale wuxuu tibaaxay in kooxaha dilka gaystay ay isaga baxsadeen goobta uu dilku ka dhacay dilka iyo dhaca kadib.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in beelaha ay kasoo jeedaan kooxaha dilka dhaawac iyo dhaca gaystay ay ku mashquulsan yihiin sidii loo xalin lahaa arrintan ka dhacday Deegaanka Afka Salib ee Degmada Laasqoray hoostagta.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay arrintan ay saamayn ku yeelatay Degmada Laasqoray iyo Deegaanada hoosyimaada isla markaana ay khal khal galisay Deegaanka uu falku ka dhacay, sidoo kale wuxuu xusay in dadkii dhibaataysnaa ee loogu talagalay lacagta gar gaarka ahayd ay halkoodii ku dhibaataysan yihiin.

Falkan ayaa kusoo aaday xilli dhowaan kooxo hubaysan ay Deegaanno hoostaga Degmada Laasqoray ku qafaasheen dad u shaqaynaayey shirkadda Isgaarsiinta ee Nation Link walow ay arrintaasi mar dambe galeen madax dhaqameedka Gobolka Sanaag.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Comments are closed.