webmaster@laasqoray.net

Kulan Dhex-maray Waftiga Hogaanka SSC iyo Jaaliyada SSC ee Dalka Uganda .+Sawirro

Kampala: Habeenimadii Xalay ayaa kulan Balaadhan waxa uu dhexmaray wefdigii heerka Qaran ee Hogaanka SSC  ee ay hogaaminayeenGaraad jama Garaad Cali iyo Hogaanka SSC Dr: Saleebaan Ciise Ahmed Ciise Xaglatoosiye iyo Jaaliyada SSC ee ku Dhaqan Dalkan Uganda.

Kulanka ayaa waxaa Goob Joog ka ahaa Dhamaan Xubnihii Safarka ku weheliyey Hogaanka ee Hore ugu sugnaa Magaalada Kampala, waxaana sidoo kale ka qaybgalay Kulanka General Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Iyo General Siciid Cali Salaax Khaarijiyeoo Beryahan Danbe ku Sugnaaa Magaalada Kamlapa ee Dalkan Uganda.

Markii uu Kulanku Furmay ayaa Jaaliyada SSC ee Dalkan Uganda waxay Wefdigii Warbixin Kooban ka siiyeen Jaaliyada iyo Marxaladaha ay ku sugantahay Haday tahay Xag waxbarasho, iyo Xag Ganacsiba, waxaana intaa ka dib ay ku soo Dhaweeyeen Wefdiga in ay uga waramaan Marxaladihii u Danbeeyey ee Dalka iyo waxa u Qabsoomay Hogaanka Mudada Sanadka ah ee ay Jireen.

Afhayeenka Guud ee SSC Ahmed Gacma-yare oo ugu Horayn Hadalka u Baxay ayaa sheegay inay aad uga Mahadcelinayaan Jaaliyada Uganda sidii Diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen Isagoo Hadal Kooban ka dibna Microphone-ka ku soo Daweeyey Madaxa Difaaca SSC Yaasiin Cali Cabdulle Tamaad oo Hadal Kooban oo uu Jeediyey ku Sheegay in ay Meel Fiican wax Marayaan Loona Baahanyahay in lawada shaqeeyo oo Gacanta la is qabsado si buu yiri inta Yar ee hadhay laysu Raaciyo.

Waxa uu Yaasiin Tamaad sheegay in Ciidankii uu u diyaarsanyahay wax badana laga Qabtay Dhanka Ciidanka Hadana ay Diyaar u yihiin inay Dalkooda iyo Dadkoodaba u sheqeeyaan oo ay Naftooda u Huraan

Ibraahim Mohamuud Guure oo u qaabilsan Hogaanka Isku Xidhka Federalka ayaa isna waxa uu ka warbixiyey Axdigii u Danbeeyey ee ay u Sameeyeen Hogaanka Isagoo Sheegay inuu ku qotomo Shareecada Islaamka waafaqsanyahayna Habka Federaalka ay ku dhisantahay DFKMG ah.

Prof: Mohamuud Cali Jama oo Hadalka Lagu soo Dhaweeyey ayaa isna waxa uu ka warbixiyey Safaradii Badnaa ee uu ku kala Bixiyey Dalalka Caalamka iyo Masuuliyiintii kala Duwanaa ee uu la soo Kulmay iyo weliba Shirarkii Caalamiga ahaa ee uu ka soo qaybgalay isagoo sheegay in Hada Caalamku ka dheregsanyahay SSC Waxa ay tahay ayna ka qanciyeen in aanay ahayn Argagixiso ee ay yihiin Dadkii Degaanka oo tashaday taana Caaalamku uu Maanta kuwada Qancay.

Generaal Siciid Cali Salaax Khaarijiye ayaa isna Goobta waxaa uu ka soo Jeediyey Hadala aad u qiima Badan oo Dadkii Goobta Fadhiyey ay aad ugu Sacbiyeen isagoo sheegay inuu Markasta Diyaar u yahay La Shaqaynta Hogaanka aanayna Hogaanka mab da’ isku qabane ay ahayd uun qaabka Shaqada oo fekrad ahaan Lagu kala Duwanaa, isagoo isla Goobtaana ay isku Marxabeeyeen Hogaanka Guud Dr: Saleebaan Ciise Ahmed oo u sheegay inuu Taageera lagarbtaaganyahay.

Waxa uu General Khaarijiye ugu Baaqay Bulshada SSC inay la shaqeeyaan Hogaankooda ayna midnibada ilaaliyaan oo meel uga soo wada Jeestaan Qadiyadooda.

Generaal Dhumaal oo ahaa Taliyihii Ciidanka Milliteriga DFKMG hadana  Safaarada Somalida u ah Military attach ayaa waxaa uu sheegay inuu si diiran oo niyadi ku dheehantahay uu u soo dhaweynayo Garaadka iyo Hogaanka isagoo dhanka kalena ku Bogaadiyey siday Markasta ugu heelanyihiin midnimada Somalia oo uu sheegay in Hore Reer SSC ay dhiig Badan ugu soo Daadiyeen.

Dr: Saleebaan Ciise Ahmed Xagla-Toosiye oo Markii hadalka Lagu Soo Dhaweeyey Sacab aad u badan iyo Sawaxan Lagu Soo Dhaweeyey ayaa waxaa uu Goobta ka soo Jeediyey khudbad qaadatay qadar 15 daqiiqo ah kaasoo ay Dadku aad ugu dheg raaricinayeen waxaa uuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay sida Diiran ee ay Reer Kampala u soo dhaweeyeen.

Xaglatoosiye oo ku dheeraaday Mab da’a uu ku dhisanyahay Hogaanka ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan Mab da’a ay leeyihiin reer SSC  ee aanay Cid Gaara lahayn isagoo sheegay in isaga iyo inta la shaqaysaaba ay Beri Masuuliyiin kale u banyan doonaan oo ay tegi doonaan Hase yeeshee Loo Baahanyahay inta la iska Daayo Danta Shakhsiga tan Guud loo soo Jeesto Mab da’ana laawada ilaashado.

Isagoo la Hadlayey Boqolaal Dadweyne ah oo Hoolka Fadhiyey ayaa waxaa uu yiri
Hadii aad Necebtahay Xagla-Toosiye Xagla Toosiye inta uu Joogayo waa Koobantahay ee Mab da’a ha u burburin Neceyb aad qof u qabtid.

Waxa uu Hoosta ka Xariiqay in Dadka SSC ay Gaadhay xiligii ay Taladeeda iyagu u madaxbanaanaan lahaayeen oo aanay cidkale u daba fadhiisan lahayn, waxaana uu Maamulada Hareeraha ka Xiga SSC ku tilmaamay in ay yihiin kuwa  ka Ganacsanada Dhibaataynta Shacabka SSC, Waxaana uu Markale ugu Baaqay Maamulka Somaliland inay Si Nabada Ciidankooda ula Baxaan, isagoo sheegay in Xiligan la Joogo uu Dulqaadkii ka dhamaaday Reer SSC oo ah Dad nabada Jecel.

Dr: Xagalatoosiye waxa uu Hanbalayo u Diray Xukuumada Cusub ee heshay kalsoonida Baarlamaanka isagoo ku Tilmaamay Xukuumad Tayaleh oo ka duwan Xukuumadihii Dalka Hore u soo Maray wuxuuna ilaahay uga Rajeeyey in uu ku Guuleeyo Hawlaha Balaadhan ee Horyaala, isagoo sidoo kalena Baarlamanka ku amaanay Ansixinta Xukuumada.

Hogaamiyaha ayaa waxa uu ugu Danbayntii Salaan iyo Mahad celinba u soo jeediyey Madaxweynaha Dalka Uganda oo uu sheegay inuu si wanaagsan oo bini aadanimo ku jirto u soo dhaweeyey Bulshada Somaliyeed ee ku Dhaqan Dalkan Uganda, waxaa kale oo sidoo kale uu uga Mahadceliyey isku Dayga uu ugu jiro sidii Somalia Xasilooni loogu soo Dabaali lahaa.

Garaad Jama Garaar Cali Garaad Jama oo soo xidhay Kulanka ayaa waxa uu Bulshada SSC meel kasta oo ay Joogaan ugu Baaqay inay ilaashadaan Midnimada iyo isku xidhnaantooda isagoo ugu Baaqay inay Ilaashadaan Mab da’oodan iyo Hogaanka ay Gacmohooda ku dhisteen oo uu sheegay inuu Leeyahay Cadow Fara Badan oo ka Naxaya Guulaha  Shacabka SSC.

Garaadka oo Hadalkiisu Duco iyo Waana U badnaa ayaa waxa uu sheegay waxa ugu Muhiimsan ee bulsho ku Badbaado ama ku Hormarto ay tahay Talada wanaagsan xiligana ay reer SSC taladoodii ay Gacantooda ku Haystaan Loona Baahanyahay Inay Adkaystaan.

C/qaadir Kaarshe

Kampala, Uganda

Kaarshe997@hotmail.com

LaasqorayNet-

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

3 Responses

  1. hadaan inanka dadka caya u jawaabo oo magcaiis ku sheegay abdi isse huuno horta haday cid madxa ka jirantahay waxa ka jirana madaxa Mr faroole or faruure moojid waxa loogu yeedho aniga reer sool maan ehi ssc hadan se goblaka waa maakhiri hadan ku hadalo bulshadan reer maakhir iyo ssc afkood waxan dhihi lahaa aniga putalnd waan ahanjirnaya markay magca iyo sharfta lahayda lakiin maata waan ka baxanahay waxan ugabaxayna magca harti markii lagu ciyaarya majeertana waxa malal wadagi kar wayey markii markii dhulka dadka bilsha lagu wareerayo markii reerdhana qabiil dhana aragaxiso lagadhigaya markii musqabalak putalnd inuu dib u noqado mooyey inuu hor u socadaya aya majeertiin ka soo horjeensady intaas waa inu ku fulantahay hadii labo maamul gablaeed iyo la dhisto oo warsangli iyo dhulabanhata dhistaana waa waxa lagu farxo majarteena burcabadee iyo garowe haka talayeena wasas lagu kala aaman helaya wasad salamna tahay hadan waaxa fahansan ihope inaad fahanto

  2. Waxan hanbalyanayaa iyo salaan kasocota maakhir udirayaa garaad jamac iyo ssc waxan leyahay guulaysta .yarkan le waxbaa rubuc nadhex dagana waxan leeyahay aqoon malihid waxad ku had laysaa hadaladii aran jaanka.garoowe online iyo cayaal kooda makhirna iyo dhamaan walahakale eeharti ayaa garabtagan garaadka guud ee sool iyo makhir

  3. Qabiil anagoo ah ayaan dawlad ka noqonaynaa, gobal iyo dagmo dhulka kooban!!!

    Markaasaa Dakaakiir iyo Garaadyo isku raaceen!!!

    Dadkii half waxay jiraan Puntland, rubucna wuxuu mushaar ka qaataa Soomaalidiidka!!!

    Shalayna xaglatoosiye wuxuu isu sharaxay Madaxwaynaha Puntland!!!

    Malaha madaxaa looga jiraa?