Xildhibaanada Baarlamaanka Fadraalka ayaa Maanta kulan Xasasiya ku yeeshay Xaruunta Golaha Shacbiga ee Magaaladda Muqdisho waxaana lagu waday in ay Xildhibaanadu u codeeyaan Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo soo magacaabay dhawaanta yadoo uu kulankaasi isu badalay buuq iyo qeylo.
Ugu horeyn kulanka Baarlamaanka ee manta ayaa waxa laga akhriyay Labo Mooshin oo iska hor imanaya kuwaas oo kala ah in Xukuumada Cusub ee Farmaajo Loogu codeeyo qaab qarsoodiya iyo in loogu codeeyo gacan taag
Kalfadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka fadraalka oo manta oo isniina loogu balsan sanaa in cod loo qaado Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo ayaa waxaa ka dhashay buuq yadoo uu markale soo noqday murankii xooganaa ee soo kala dhex galay Madaxda Dowladda kMG kadib markii Sheekh Shariif Soo Magacaabay Farmaajo.
Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Fadraalka ayaa Wuxuu isu badalay markii uu cabaar sodcay muran iyo qeylo aan kala go’lahayn yadoo markii dambe ay qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanku ay gacanta isula tageen.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Maanta ku kala qeyb samay qaab kii kalsoonida loo siin lahaa Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo, qaar katirsan Baarlamaanka Fadraalka oo uu hor boodayo Gudoomiye Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa dib u soo nooleeyay Fikirkoodi ahaa in Xukuumada Cusub ee Farmaajo lagu ansixiyo qarsoodi.
Maaha Markii ugu horeysay oo Xildhibaanada Baarlamaanku isku khilaafaan qaabka ay u ansixin lahaayeen Xukuumada Cusub ee Farmaajo, dhawaan ayay ahayd markii ay ku murmeen Xildhibaanada Baarlamaanku kal sooni siinta Raysal Wasaare Farmaajo.
Laasqoray.Net

November 22, 2010 at 10:25 pm
meesha ma la isa fara saaray waa heey. ma dadkaasi feedhka isku garaacaya miyaanu xil ka sugaynay yaah.
waar waxaa inaloo qaatay inagoo isagaba tagno dadkan waayo waa waxay walaalaheen isaaqu uga tageen ragan bay qabaanee. meel bay ka bukaan kolkii la is afdhaafo durba waxay la soo boodayan xabad ama feedh.
maxaa ka foolxun baarlamaan umada isku hor feedhfeedha.