webmaster@laasqoray.net

Maakhir Daawo Doorashadii Maanta ee Bar Baarta

Waxa Maanta Hotelka Karmal ee Magaalada Nairobi ka dhacday Doorashaasi ayaa ahayd mid lagu Dooranayay Hogaanka Maakhir ee dalka Kenya waxana isu soo Taagay 3-Mudane oo kala ah 1- Maxamed Maxamuud Cabdi Beer Dhige 2- C/Saaq Cali Warsame Tuke  3- Jaamac Ayaanle Feyte, waxana Joogay Dad badan  oo Isugu Jira Rag iyo Dumar Doorashada ayaa ahayd Gacan taag sida ay sheegene gudiga Doorashada oo ka Koobnayad 1- Maxamuud Ismaaciil 2- Axmed Maxamed Maxamuud Gees 3- Shiini Cumar Jaamac 4- Sucaad Daahir Cali Cabdi

Ugu horayn waxa halkaasi Quraan ka soo Jeediyay Shariif C/raxmaan C/Casiis oo Dadka ku Baraarujiyay inay Ilaahay Xasuustaan oo ay Mar kasta ahaadaan dad Rabi Xusa si Howshoodu ugu Hir Gasho.

Intaasi ka dib ayaa waxa loo Yeedhay C/raxmaan Maxamed Maxamuud [Maacir] oo ka mid ah Odayaasha deegaanka ee Ku Sugan Kenya Maacir ayaa xusay in ay tahay wax lagu farxo in Doorashada si Dumuqraadi ah loo qabto isla markaana Mugid badan la saaro, Maacir ayaa Amaaay Xubinihii Hore ee  xilka ka digay isaga oo ku sheegay kuwa Muujiyay Dadaal Dheeraad ah.

C/Qaadir Khaliif Cabdi Nuur [Saban Tuulo] ayaa loo Yeedhay isna oo Halkaasi hadal ka soo Jeediyay waxana uu daboolka ka qaaday muhiimada ay Leedahay Doorasho Xalaal ah oo lagu Faano, Sheekh Saban Tuulo ayaa Dar Daaran u Jeediyay Qof kasta oo xilkaasi ku soo baxa inuu Guul ka keeno.

Ayaan Muuse oo Magaca Haweenka ku hadashay ayaa Aad ula dar daarantay dadkii meeshaasi  soo xaadiray iyada oo xustay inay haweenka Maakhir ee dalka Kenya Gabeen Kaalintoodii looga baahnaa.

Intaasi ka dib ayaa loo Gacan haadiyay Gudoomiyihii Xilku ka dhamaaday ee Saleebaan Cismaan Saalax oo xusay inaanu isagu ahayn Musharax Maanta balse uu ka hadlayo wax qabadkii Ururka intii uu Hogaanka soo Hayay.

Waxa uu sheegay inay xidhiidh Fiican la Sameeyaan Qurba joogta iyo Siyaasiyiinta ayna kala hadleen Arimo badan, Saleebaan ayaa cadeeyay in Dadalaada ay qabteen ay ka Mid yihiin Shirarkii badnaa ee ay Qabteen.

Gaba gabadii ayaa Musharixiinta la Siiyay Cod ay ku soo Gubiyaan Cv-yadooda iyo wax qabadkooda hadii la doorto waxana loo Yeedhay.

Musharax Maxamed Maxamuud Cabdi Beer Dhige oo halkaasi ka soo Jeediyay waxqabadkiisa hadii la Doorto.

Sidoo kale C/Saaq Siciid Warsame ayaa isna Hadlay waxana uu sheegay inuu is Casilay oo uu ka Tanaasulay xilkaasi  sababa Jira awgood.

Jaamac Feyte ayaa isna ka hadlay Meesha oo soo Bandhigay Wax qabakiisa hadii loo Doorto Gudoominimada Bar Baarta Maakhir ee dalka Kenya.

Jaamac Yuusuf Deberani oo ahaa xidhiidhiyada Xaflada ayaa Mikrifoonka ku Wareejiyay gudiga doorashada si loo Guda Galo Doorashada, Maxamuud Ismaaciil oo ah Gudoonka Doorashada ayaa xusay in Doorashadu u dhacayo si Gacan Taag ah.

Waxa loo Yeedhay Musharax Maxamed Maxamuud isaga oo Shacabka loo sheegay in uu yahay Musharax.

Maxamed Maxamuud Waxa u Codeeyay 12- Ruux

Halka Jaaamc Feyte ay u codeeyaan 29- Ruux

Waxana ka Amuusay 9-Ruux.

Guud ahaan waxa soo Xaadiray Doorashada  Dad Gaadhaya 50- Ruux.

Waxana  Halkaasi ay Gudiga Doorashud ka sheegeen in Guushii ay Raacaday Jaamac Ayaanle Feyte.

isaga Hadlay Ninka Guulaysay ayuu u Mahad Naqay Gudiga Doorashada Gudoonkii Hore, Mudanayaasha Codeeyay iyo Martida Kale kana codsaday in lala Shaqeeyo si Loo gaadho Guul iyo Barwaaqo.

Fahad Kulan oo ku hadlay Magaca dhalinta ayaa Khubad halkaasi ka soo jeediyay waxana uu aad u amaanay dadkii Munaasibdaasi soo qaban qaabiyay isaga oo Guul u Rajeeyay Gudoonka Cuusb iyo Kii Hore.

Gudiga Kor Joogtada ah waxa ka mid ah  C/Qafaar Axmed Shire, Maxamed Axmed Ilka Case, C/raxmaan Calula oo ka mid ah Saxafiyiinta Somaliyeed.

WARKII OO DHEERAAD AH HALAKAN KA AKHRISO

Xigasho-GalgalaNews

Comments are closed.