webmaster@laasqoray.net

Maakhir University oo Xaflad loogu qabtey Nairobi [SAWIRO]

Kulan lagu Taageerayo  Maakhir University  oo Ku taala Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa Maanta Galinkii danbe  ka dhacay Magaalada Nairobi, Kulankaasi ayaa lagu  Casumay  dad ka mid ah Bulshada qayba heeda kala duwan sida Aqoonyahano, Macalimiin Jaamacada wax ka dhigta iyo Hal-Abuuro Caan ah oo Somaliyeed.

Ugu horayn waxa Lagu duway Mikirifoonka Sheekh Xamse oo Aayado Quraan ah Halkaasi ka soo Jeediyay dadkana u sheegay inay Cabsida Alle Xasuusnaadaan.

Waxa intaasi ka dib Hadlay Maxamed Maxamuud Cabdi [Beerdhige] oo ka mid ahaa xubnihii Maakhir Community ee shirkaasi soo qaban qaabiyay.

Maxamed ayaa Bulshada  u faah faahiyay ujeedka Kulankaasi Maanta loo qabtay isaga oo sheegay in Muhiimada Kulanka uu yahay mid ku Salaysan in lagu Taageero Horusocdka  Jaamaacada Maakhir, sidoo kale Bulshada ayuu u Faah Faahiyay in Kulankan uu yahay mid Daba socda  Kii dhawaan lagu qabtay Dalka USA.

Docda kale waxa uu Carra baabay inay Muhiim tahay in la xuso Hormuudka Jaamacada Maakhir oo Farta ku Fiiqay inay Yihiin Aamina Maxamuud Ducaale, iyo Cabdullaahi Saalax Geel-Jire, Coll Maxamed Cabdi Qaac, iyo Dr Siciid Faahiye Prof Abshir Aw-Yuusuf, dhamaan xubnahaasi ayaa ka mid ah  dadka u Ololaynaya Taaba Galinta Jaamacada Deegaanka Maakhir, iyo Farshaxanka Caanka ah ee Amin Camir kaasi oo Jaamacada aad ula shaqeeyay

Gaba gabadii Maxamed Maxamuud waxa uu u Mahadnaqay Warbaahinta sida aadka ah ula shaqaysa Arimaha Jaamacada oo ay ka mid Yihiin Radio SPR.

Qoraaga Caanka ah ee Khaliif Ashkir Diini oo ah nin Hal Abuur leh ah oo Qorayna Buugag badan oo  ay ka mid Yihiin [ Rajo Qaran] [Waa Sirgaxanaye Sax Ma Jirinaa] [Guur iyo Garaad]

Qoraaga ayaa aad uga hadlay Muhiimada Aqoontu ay Leedahay isaga oo Amaanay Hormuudka Jaamacada Maakhir sida Wanaagsan ee ay dal Fashilmay uga Hir galiyeen Nidaam Aqoon Heer Sare leh lagu Baranayo,  Coll Khaliif Ashkir Diini ayaa Bulshada Reer Maakhir ugu baaqay inay Garab is taagaan Jaamacada Maakhir isla markaana dhanka dhaqaalaha ka Caawiyaan.

Waxa iyana xusid mudan in Macalinkii Jaamaacada Maakhir ee Magaalada Badhan uu Fasax u Joogay Magaalada Nairobi, Nasiibna u sheegay ka qayb Galka Kulankaasi.

Macalin Arnold Shiyenji Makumba waxa uu aad uga sheekeeyay tegitaankiisii deegaanka Maakhir isaga oo xusay in Guud ahaan Somaliya ay Warbaahinta Caalamku ka Gudbiyaan Musawir Guracan oo ah in Colaadi ay ka Jirto.

” Markii aan Tegay Badhan oo ah Meesha Jaamacadu ku Taalo si aad ah baa Bulshada deegaankaasi isoo dhawaysay dadku waxay ahaayeen badi dad waxbarasho Jecel markii aan Furay Albaabada Jaamaacada waxaanu Aragnay dad badan oo Is qoray qaarkood Heerkii ay Markaasi Joogeen iyo Kan Maanta aad buu ukala sareeyaa Markaan ka eegno dhanka Aqoonta oo aad u Wanaagsan| Ayuur Yiri Macalinku.

Dr Mula oo ka mid ahaa Barayaashii Rugaha Waxbarasho ee Gobolka Bari Gaar ahaan Bosaaso ayaa Kulankaasi isna ka soo qayb Galay isaga xusay inay Tahay Waajib Garab is Taaga Jaamaacda Maakhir.

Xubnaha kale ee halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa C/qaadi Khaliif Cabdi Nuur [7-Tuulo] oo ka mid ah Jaliyada Maakhir ee Kenya Saban Tuulo ayaa Amaanay Howlwadeenada Jaamacada Maakhir kuna dhiiri Galiyay inay sii wadaan dadaalkooda.

C/raxmaan  Xasan Yuusuf oo ka mid ah Ardayda Reer Maakhir ee dalka Uganda Jaamacadaha Ka Bartay ayaa sina Laga siiyay Halkaasi hadal Kooban, Ardaygaasi ayaa kula dar daarmay dhamaan Ardayda Somaliyeed  Gaar ahaana Kuwa Maakhir inay Kordhiyaan Sare u kaca Aqoontooda.

C/qafaar Axmed Shir oo ka Tirsan Wariyayaasha Qurbajoogta ah ee Nairobi isla markaan xubin ka ah Somali Revolution Forum ayaa isna Madashaasi Hadal ka soo Jeediyay isaga oo sheegay in ay Maakhir tahay mid Looga Baahnaa deegaankaasi oo ah mid Nabdoon isla markaana sidoo kale Amaanay Gudiga Jaamacada gaar ahaana Aamina Maxamuud Ducaale iyo Cabdulaahi Saalax Geel jire.

“Ilaahay mahadiis anigu waxaan si walaalnimo iyo Soomaalinimo leh isku baranay walaashay Aamino Maxamuud Ducaale oo aan isku baranay bogaga isku xirka bulshada gaar ahaana Facebook, dhabtii waa gabar Soomaaliyeed oo qaaliya isla markaana wakhti aad muhiim u ah galaisay Jaamacadda Maakhir University” Ayuu Cabdiqafaar ka sheegay Madasha Kullanka.

Waxa uu intaasi raaciyay in maamulayaasha iyo aqoonyanahada wax ka dhiga Jaamacadda iney muhiimad weyn iska saaraan in la hello barnaamijyo aad u dhisan gaar ahaana dhinaca waxbarashada dadka waaweyn (Adult Education Program), kaasi oo ay ka faa’ideysan karaan dumar iyo rag aad uga weynaaday waxbarashada.

Dhanka Haweenka oo Kaalin Lixaadle Kulankaasi ka soo qaatay ayaa waxa Afkooda ku Hadashay Murwo Ayaan Muuse Ismaaciil iyada oo Balan qaaday in ka Haween ahaan ay Garab is Taagayaan Jaamaacda Maakhir isla markaana dhawaana  Baaq ay u dhanyihiin soo saarayaan.

C/raxmaan Maacir oo ka mid ah Gudiga Maakhir ayaa xusay in Loo baahan yahay in Guud ahaan Taliinta deegeenka Maakhir sare loo qaado isla markaana Ku baaqay in  Magaalooyinka kale,  ee Sanaag sida  Dhahar, Xingalool, Hadaaftimo, Laasqoray, Ceelbuh dhamaantood laag Hir galiyo Gooba Taliinta sare lagu barto.

Sawiro




Isha Warka- Galgalanews+Allsanaag

Comments are closed.