webmaster@laasqoray.net

Maakhirta Holland oo shirkooduu 23-10-2011 ugu mahadceliyey shacabka iyo dowlada Turkiga

Shirkii guud ee Jaaliyada Maakhir Holland oo dhacey Axaddii 23-10-2011 ayaa jawi fiican isugu warbixiyeen maamulka iyo xubnaha Jaaliyada iyo Ururkeyda Maakhir Development Organization (Maakhir Ontwikkelings Vereniging MOV) iyadda oo Si buuxda Looga hadley arimaha u yaala Jaaliyada iyo ururkeyda.
Waxaana ka mid ah qodobada la isla falanqeeyay, lana horumariyey:
  1. Xiriirinta dhamaan Xubnaha Jaaliyadan.
  2. Kobcinta Dhaqaalaha Ururkeyna iyo horumarinta mashaariicda noo xareysan sanadkan.
  3. Xiriirinta Xubnaha Jaaliyadaha Maakhir ee Yurup iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arimaha ay ugu horeyso Siyaasad Mideysan oo ay yeeshaan Jaaliyadahu iyada oo shirarka soo socda diirada la saari doono qodobkan.
Sidoo kale waxey Jaaliyadu shir kooban la gashey Urur Islaamiga Turkiga caanka ah ee ugu weyn Yurup ee Milli Görüş, ururkaas oo ka qeyb qaadenaya ururinta lacagta loogu deeqay Soomaaliya iyo hawlaha caawimaada iyo dhisida dawlada Turkigu ka wado Soomaaliya.
Dhamaadkii shirkaasna wuxuu Professor Cumar Shire Yuusuf oo ah
Gudoomiyaha Maakhir Holland iyo ururkeyda gudoonsiiyey Mr. Najmudiin oo ah madaxa Milli Görüş Shahaado Sharaf Mahadnaq ah oo ugu mahadnaqey Taageerada badan ee ay u fidinayaan shacabka Turkiga iyo dowladoodu walaalahooda iyo dowlada Soomaaliyeed.
Wabillahi Towqfiiq,
Maakhir Holland iyo Ururkeyda MOV.
Website: www.maakhir.eu

 

 

Comments are closed.