Kampala: Xaflad Xilka Kula kala Wareegayeen Gudoomiyaha la doortay iyo kii hore ee ururka Ardayda Reer Maakhir ee Dalka Uganda ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Tal-cottages ee Magaalada kampala ee
Dalka Uganda.
Mohamed Ruush (Gudomiyihii Hore)
Xafladan oo Qabsoomideeda si aad ah looga soo shaqeeyey ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Ardayda Reer Maakhir ee Wax kabarata Dalka Uganda, Ganacsato iyo Marti Sharaf kale oo goob jog ahaa Xaflada iyo weliba Xubna Muhiima oo Khadka Taleefanka kaga qaybgalay xafladda.
Bilowgii Xaflada ayaa waxaa aayadaha Quraanka Kariimka ah ku Furay Sheikh. Ahmed C/naasir oo ka mid ah Ardayda jamaacadaha ka dhigta Dalka, waxaana aayadahaa Quraanka ka dib la guda galay Daadihinta Barnaamijyadii kala Duwanaa ee loogu Talagalay Xaflada, waxaana Xafladda Daadihinayey Mohamed Abdi Shire (Naato).
Suldaan Siciid Suldaan C/salaam Suldaan Mohamud Suldaanka Guud, ee Deegaanka maakhir oo Xaflada kaga Qaybgalay Khadka taleefanka, waxaana isagoo Khadka taleefanka kala hadlaya Ardayda uga mahadceliyey sida Xushmada leh ee ay Xafladan uga soo qaybgeliyeen wuxuuna intaa ka dib Ardayda uga warbixiyey Xaaladda Deegaanku Xiligan ku suganyahay.
Suldaan Siciid ayaa Ardayda aad ugu dhiirigeliyey Waxbarashada, iyo inay ka midha dhaliyaan wakhtiga iyo maalka lageliyey, Deegaanka iyo Bulshadana uga fa’ideeyaan waxay soo Barteen, Suldaan Siciid ayaa wuxuu Ardayda xasuusiyey Baahida Deegaanku u qabo Barbaarta wax baratay, isagoo tusaale u soo qaatay baahida waxbarasho ee xiligan jirta iyo sida Kaalintooda loogu baahanyahay.
Wuxuu si Gaara u xusay Suldaan siciid in Hada Deegaanka laga hergeliyey Jaamacad, taasoo ah baahi inbadan Deegaanku u baahnaa si Barbaarta waxbaranaysa loo siiyo jaanisyo waxbarasho oo ay deegaankooda ka helaan wuxuuna Ardayda aad ugu dhiirigeliyey inay Markay waxbarashada dhamaystaan ay Dalka dib ugu soo laabtaan si Aqoontooda looga Fa’idaysto.
Waxaa isna Khadka Taleefanka kaga qaybgalay Xafladda Agaasimaha Jaamacada Maakhir University ee Badhan, oo Ka dib warbixin uu jaamacada iyo Heerka ay marayso uu ka bixiyey Ardayda xusuusiyey inay Dalka dib ugu soo laabtaan oo Ubadka uga fa’ideeyaan Aqoonta ay Barteen, isagoo sidoo kalena Ardayda Hanbalyo iyo bogaadin u soo diray.
Hadalka Suldaanka ka dib waxa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Gudoomiyihii hore ee Ururka Ardayda Maakhir Ee Dalka Uganda Mohamed Hassan Abdisalaam(Ruush), oo ka warbixiyey Xaaladihii uu ururku soo maray mudadii uu xilka Hayey, Guulihii la gaadhay iyo Caqabadihii soo wajahay.
Wuxuuna Xusay in Gudoomiyaha cusub looga baahanyahay in uu Halkaa ka sii anba qaado, xoogana saaro sidii Ardayda looga saacidi lahaa Baahiyaha waxbarasho ee ay u baahanyihiin iyo Gacanqabashada Ardayda cusub ee u soo waxbarasha doonanaysa Dalkan.
Mohamed Mohamuud Gees oo ka mid ah Ardayda Sanadkan ka qalinjebinaysa Jaamacadaha Dalkan Uganda, ahaana Godoomiye ku xigeenkii hore ee Board-ka oo hadalka lagu soo dhaweeyey ayaa wuxuu goobta ka soo jeediyey eraya ku aadan muhiimada ay leedahay waxbarashadu, gaar ahaan xiliga lagu jiro dhalinyaranimada oo uu ku tilmaamay xiliga ugu qaalisan ee qofka looga baahanyahay inuu ka fa’idaysto, wuxuuna Ardayda kula Dardaarmay inay waxbarshada xooga saaraan, isuna diyaariyaan inay meesha kala tagaan Tacliin ay dadka iyo Deegaankaba uga fa’idayn karaan, isagoo tusaale u soo qaatay in Bulsha walba manta hormarkeedu yahay hadba sida dadkeedu wax u bartay, waxa lagu kala hormarayna ay tahay waxbarashada.
Eng. Gees wuxuu sidoo kale Ardayda ku booriyey inay kuliyadaha ay Barayaan ku saleeyaan inta badan baahiyaha ka jira Dalka ee u baahan in dadka laga saacido si buu yiri loo helo bulsho isu dhamaystiran oo dhan walba baahideeda la dabooli karo.
Dhanka kale C/laahi Yuusuf Cilmi (Ilkacase) , oo ka mid ah Ganacsatada Hantida ku leh Dalkan Uganda kuna Hadlayey Magaca Jaaliyadda ayaa wuxuu goobta ka soo jeediyey hadala u badnaa bogaadin iyo dardaaran uu Ardayda u soo jeediyey, isagoo Ardayda kula Dardaarmay in aanay Marna ilaawin ujeedadii ay meesha u yimaadeen ee ah inay waxbartaan, wuxuu sheegay inay ka Jaaliyad ahaan ama Ganacsato ahaan ay Markasta Ardayda Garab taaganyihiin ayna ka war hayaan
Axmed Caabi Xasan oo ka mid ah Ardayda ayaa isna wuxuu Goobta ku soo Bandhigay Barnaamij aad u xiisa badnaa oo Qaab Maqal iyo Muuqaal ah loo soo Diyaariyey kaasoo uu ku soo Bandhigay Taariikhda Deegaanka, hormarka uu Gaadhay ee Dhanka Waxbarashada, Caafimaadka iyo Weliba Baahiyaha Jira ee loo baahanyahay in wax laga qabto.
Waxaana Barnaamijkan oo ahaa mid xiisa gaara watay aadna ay Goob joogayaasha Xafladu ula dheceen, uu Caabi ku soo AFmeeray in baahiyaha Muuqda ee Deegaanku u baahanyahay in wax laga qabto ay ugu weyntahay, Deked, Wadda Laamiya iyo Garoomada Diyaaradaha oo Laga Hirgeliyo Deegaanka.
C/kariim Mohamed Hassan (Gufure), oo ka mid ah Jaaliyadda aadna taageera uga geysta Barnaamijyada Ardayda ayaa isna Hadal lagu soo dhaweeyey wuxuu ka dhawaajiyey in ay Jiraan Baahiya Badan oo Ardayda looga Baahanyahay inay Daboolaan Markay wax bartaan, loona Baahanyahay inay Guntiga dhiisha iskaga dhigaan wakhtigana ay ka fa’idaystaan.
Dhanka Gabdhaha waxaa Magacooda ku hadashay Xayaad Iman Cali, kana mid ahayd Xubnihii Xafladda Soo Agaasimay ayaa Iyadoo Ardayda la Dardaarmaysa waxay sheegtay in waxbarashada aad loogu dadaalo, loona Dulqaato Caqabadaha Ardayda ka hor yimaada intay waxbarashada ku jiraan.
Sidoo kale Khadro Yuusuf Jaamac oo ku Hadlaysa Magaca Ardayda Reer Maakhir ee Shahaadada Master-ta Diyaariya, waxay xustay in Deegaanku u Baahanyahay Arday Wax Baratay oo Hogaanka u qabata Barnaamijyada Hormarineed ee u baahan in la Dhaqaajiyo.
Xubna Kale oo ay ka mid ahaayeen Mohamud Said Nur oo ah Gudoomiye ku xieenka cusub oo la doortay iyo Macalin Mohamed Omar ayaa iyaguna hadala ka soo jeediyey Xafladda.
Gebagebadii Xaflada, ka dib Nasasho iyo madadaalo Su’aalo iyo Halxidhaalayaal lagu dhexwaday waxaana Dhanka Farsamada iyo Habaynta Barnaamijyada Qaab Compurised ah Xafladda Gacanweyn ka geysanayey Mohamed Ibrahim Garseef, waxaa Goobta Lagu soo Dhaweeyey Gudoomiyaha Cusub ee La Doortay Ahmed-Weli Mohamuud Mohamed(Guure), oo is Gacan Qaad iyo Faylal is Dhaafsi Dhexmaray isaga Iyo Gudoomiyihii Hore, wuxuu Goobta ku soo Khatimay Khudbad aad u qiima Badnayd oo inta Badan uu diirada ku saaray Hawlaha Mustaqbal ee Horyaala una Baahan inuu Dhaqaajiyo.
Wuxuu Ardayda ugu Baaqay inay sii xoojiyaan midnimada iyo wadajirka fiican ee muuqda, isagoo Daliilo Diimeed iyo Mid Maahmaaheedba, ku xoojiyey Muhiimada ay leedahay Midnimada iyo wax wada qabsiga.
Wuxuu aad uga mahadceliyey Gudoomiyihii Hore, heerka uu wax soo Gaadhsiiyey oo uu ku tilmaamay mid aad u dhiirigelinaysa, waddana u noqonaysa inuu la yimaado Barnaamijya Hormarineed oo kor loogu qaadayo Wacyiga Ardayda, iyo Adkaynta Midnimada iyo Wadajirkooda, wuxuuna xubnihii hore ee xilkka ku wareejiyey ka codsaday in ay lashaqeeyaan ugana fa’iideeyaan khibradii iyo waayo aragnimadii ay ka dhaxleen mudadii ay xilka hayeen.
Waxaana Goobtaa Shahaadooyin Lagu Gudoonsiiyey Xubnihii Maamulka ee Hore Xilka u soo Hayey, iyo Arday Dhamaysatay Jaamacadaha oo Shahaado Sharaf La gudoonsiiyey, kuwaas oo Degree iyo Master isugu Jira.
Isku Soo Duuboo Xafladan oo ahayd Mid aad looga soo Shaqeeyey, Laguna Soo Bandhigay Barnaamijya kala Duwan oo Indhaha Goob Joogayaasha ka dhigay kuwa aan ku Daalin Fadhiga Kuraasta ayaa waxay ku soo Dhamaatay Jawi aad u wanaagsan oo Dareen Farxad iyo Raynrayn Laga Dheehanayey.
Xubnihii Xilku Ka Dhamaaday.
Xubnihii Board-ka
Abdirahman Hassan Yusuf Gudoomiye
Mohamed Mahamud Gees G. Ku Xigeen
Ahmed Abdinasir Ahmed Xubin
Xubnihii Fulinta.
Mohamed Hassan Abdisalam( Ruush). Madaxweyne
Mohamed Mohamud Abdilahi M. Ku Xigeen
Mohamed Abdi Shire Afhayeen
Ahmed Abdirahman Aw-Cali Xidhiidhiye
Cabdalla Jamac Mohamed Maaliyadda
Ahmed Ibrahim Aware Xoghaye Guud
Xubnaha Xilka Lawareegay.
Xubnaha Board-ka.
Abdisamad Cumar Aw-Said Gudoomiye
Ahmed Mohamud Jama G. Ku Xigeen
Amin Said Nasir Xubin
Musdafe Dahir Adan Xubin
Abdiqani Osman Aware Xubin
Xubnaha Fulinta.
Ahmed-Weli Mohamud Mohamed Guure Madaxweyne
Momahuud Said Nor M. ku Xigeen
Ahmed Abdiqadir Yasin(Jebiye) Xidhiidhiye
Mohamed Omar Du’ale (Dirir). Afhayeen
Cumar Daahir Cali Maaliyadda
Ahmed Hassan Yusuf Xoghayaha Guud
Shucayb Muuse Cali Xidhiidhka Jaamacadaha
Xamdi Axmed Siciid Madaxa Arimaha Gabdhaha.
Xubno Sar Sare
Mustafe,Axmed M Jaama AAr Suad Salax
Eng Gees, Gudomiye Ahmed-Weli,Axmed C/raxmaan, Shucayb
Xubnaha Maakhir
Xayaad Iman Cali( Qaban-Qaabada).
Eng Maxamed M.M Gees
Ganacsade Ilka Case

Maxamed Ibraahim Garseef







