Gobolka Hiiraan oo ay ka jiraan ugu yaraan saddex maamul Goboleed oo kala afgaar duwan ayaa waxaa iminka soo shaacbaxday heshiis dhexmaray labo kamid ah Maamulada Gobolkaasi ka jira kuwaasi oo kala ah Maamulka Hiiraan State iyo Maamulka Dooxada Shabeelle oo ay hadda xarun u tahay Deegaanka Kalabayr ee Gobolka Hiiraan.
Arrintan ayaa waxaa faa faahin ka bixiyey Madaxweyne kuxigeenkii Maamulka Hiiraan State iyo Wasiirka Warfaafinta Maamulka Dooxada Shabeelle kuwaasi oo labaduba qiray in ay si wada jir ah heshiis u gaareen isla markaana u mdiooebeen sidii ay Gobolkooda uga saari lahaayeen waxa ay ugu yeereen Arga-gixisada kusoo duushay oo ay ula jeedeen xarakada Al shabaab.
Madaxweyne Kuxigeenkii Maamulka Hiiraan State Isaaq Cali Cabdule ayaa shaaciyey in Maamulkii uu Madaxweyne kuxigeenka ka ahaa uu si toos ah ula midoobay isla markaana ugu biiray Maamulka Dooxada Shabeelle ee Gobolka xilligan ka hawlgala dagaalana kaga jira Deegaanka Kalabayr.
Isaaq Cali Cabdulle ayaa waxa uu intaasi ku daray in wixii xilligan ka dambeeya ay labada maamul is gaashaan buursan doonaan isla markaana laga wada dhigi doono hal maamul oo ah maamulka Dooxada Shabeelle kaasi oo lagu biiriyey maamulkii Hiiraan State taasina ay tahay mid ay isku afgarteen labada maamul ee Hiiraan State iyo Dooxada Shabeelle.
Dhinaca kale Wasiirka warfafainta Maamulka Dooxada Shabeelle ee Maxamuud Nuur Caga Joog oo dabaashe loo yaqaan ayaa dhinaciisa waxa uu sheegay in ay arrintaasi tahay mid ka turjumaysa sida ay labada maamul diyaarka ugu yihiin sidii ay si wada jir ah Gobolka uga difaaci lahaayeen Xarakada Al shabaab ee xilligan maamusha qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan ayna kamid tahay xarunta Gobolka ee Beledweyne.
Maxamuud Nuur Caga Joog waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka Dooxada Shabeelle uu yahay maamul haysta taageerada beelaha Gobolka Hiiraan isla markaana waxa uu shaaciyey dagaallo ay wakhti aan dheerayn ku qaadi doonaan xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne.
Arrintan ayaa labadii maamul ee Dooxada Shabeelle iyo Hiiraan State ka dhigtay hal maamul iyadoo uu jiro maamul saddexaad kaasi oo dhanka qurbaha laga yagleelay isla markaana aan wax war ah laga hayn sida uu ka yeeli doono xaaladda Gobolka iyo maamuladii kale ee midoobay.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso
