Badhan:- Shaqooyinka horyaal maamulka curdinka ah ee degmada Badhan ayaa waxa ka mid ahaa kala qaybinta magaalada caasimada gobolka ah ee Badhan , taas oo gudida joogtada ahi ay todobaadyadii lasoo dhaafay ku hawllanaayeen , waxayna kulan ballaadhan oo ay xarunta maamulka ku qabteen ku sheegeen iney arintaas ka fara xasheen , iyaga oo sheegay ujeeddooyinka ay ka leeyihiin arintaas oo ku xadidan qodobadan :
1) Si uu u sahlanaado gaadhsiinta maamulku dhammaan bulshada ku nool magaalada qaybihiisa kala duwan .
2) Si ay u sahlanaato nadaafadda iyo fayo dhawr ka guud iyo bilicda magaaladu.
3) Si loo xaqiijin karo nabad gelyada , xasilloonida iyo deganaanshaha.
4) Si loo hubin karo dadka baahan ee ku nool magaalada oo aan qabiil ku dhisnayn.
5) Si bulshadu u dareento iney maamulka leeyihiin , taladana dhankooda uga soo galaan , ugana qayb qaataan horumarinta iyo wacyigelinta bulshada.
6) Si ay u sahlanaato ururinta cashuuraadku iyo tiro koobta dadweynaha magaalada.
Sidaa darteed ayaa magaalada Badhan waxa loo qaybiyey shan xaafadood oo kala ah : Xaafadda Horseed , xaafadda Iftiin , xaafadda Golis , Xaafadda Waaberi iyo xaafadda Geeldoora. Dhammaanna waxa loo sii kala qaybiyey afar waaxood , waxana loo sameeyey guddi ka kooban sagaal xubnood xaafad walba , iyada oo magaca bulshada xaafaddu dooratay .
Galabnimadii shalay ayaa kulan loo qabtay gudiyada xaafadaha oo ka koobnaa 45 xubnood oo isugu jirey rag iyo dumar , waxana halkaas la isku weydaarsaday fikrado wax ku ool ah oo dhammaan ka turjumeysa shaqada aan kala go’a lahayn ee uu wado maamulka degmadu.
Waxana ugu horayn laga dalbaday iney gudida xaafaddu doorato guddoomiye , guddoomiye kuxigeen , xoghayn iyo khasnaji, sidoo kale tira koobta dadka tabaalaysan , si raashin dhowaan la qaybin doono loogu saleeyo xogta ay soo gudbiyaan gudiyada xaafaduhu.
Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay maayarka iyo ku xigeenkiisa , iyo xubnaha golaha degaanka ee u xilsaaraa arimaha xaafadahaMam
DAAWO SAWIRO
Maxamud Ciyoon, Sanaagpost+LaasqorayNET
