Galabta ayaa waxa hoolka dugsiga Al-furqaan ee magaalada Badhan lagu qabtay xaflad sagootin ah oo lagu anbabixinayey C/rashiid Maxamed C/laahi oo uu deeq waxbarasho siiyey Bangiga Islaamku , kana mid ah shantii arday ee ugu derejada sareeyey imtixaankii xukuumada Puntland ee sanadkii 2009/2010.
Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay waalidka , saaxiibada ardayga, xubno ka mid ah ardayda wax ka barata dalka Suudaan, maamulka dugsiyada Al-furqaan iyo Al-nuur iyo weliba bareyaasha labadaas iskuul ee mataanaha ah.
Xafladda ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey saaxiibadii ay wada shaqayn jireen iyo ardaydii , maamulka labada iskuulka, kuwaas oo kala ahaa:- Maamulaha dugsiga Al-Furqaan Md. C/casiis Axmed Saalax.
- Maamule kuxigeen dugsiga Al-Nuur Md. Axmed Cabdi Jaamac (Kuluc),
- Maxamed Xasan Jaamac oo ka mid ah ardayda dalka Suudaan ee fasaxa ku jooga dalka.
- Axmed Siciid Faarax oo ka mid ah ardaydii hore dugsiyada uga qalin jebiyey,
- Maxamuud Cabdi Dheere oo ay isku fasal ahaayeen iyo akhyaar kale .
Dhammaan dadkaasi waxay ugu hanbalyeeyeen fursadna qaaliga ah ee uu helay C/rashiid Maxamed C/laahi , waxayna ugu duceeyeen in ilaahay u fududeeyo dadriiqa waxbarashada, sidoo kale waxay ku boorriyeen inuu dalka kusoo laabto kadib markuu wax soo barto, waxana khadka telefoonka lagula xidhiidhay madaxa dallada ardayda Suudaan Md. Cali Xasan Cali , si ay saaxiibkood ugu diyaar garoobaan una soo dhoweeyaan, isagoo dhankiisa sheegay in guddi loo xil saari doono soo dhweyntiisa iyo dejintiisa sidii ardaydii horeba loo samayn jirey.
C/rashiid ayaa wuxu geli doonaa kuliyadda Computer Engineering –ka ee jaamacadda Afrika ee caalamiga ah , kuna taalla dalka Suudaan , gaar ahaan magaalada Kharduum.
Waxana bilo ka horreeyey Axmed Maxamed Aadan oo isaguna deeq waxbarasho ka helay jaamacadda Al-jazeera ee dalka Suudaan gaar ahaan kuliyadda beeraha.Maxamuud Ciyoon / Badhan


