webmaster@laasqoray.net

Maamulka Faroole oo Baacsanaya Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Weriye ay xidheen

Maamulka Faroole ayaa mudooyinkan danbe waxay baacsi iyo caga juglayn ku hayaan saxaafada Madaxa Banaan taas oo ay sabab uga dhigayaan inay faafinayaan warar aanu Faroole raali ka ahayn sida loo tabinayo madaama dhac dhac iyo Maamul xumada Faroole ay batadatay

Hadaba waxa marag ma doonto in Faroole damacsan yahay sidii uu xukunka awood ugu sii fadhiyi lahaa ka dib markii u ku  fashilmay xilkii loo igmaday oo uu weliba kusii darsaday afxumo uu usoo jeedinayo cidii uu u arko inay kazoo horjeedo waana ta keentay inuu xildhibaano su,aalo waydiiya inuu aflagaadeeyo

Dhinaca kale Ciidamada booliska ee magaalada Boosaaso ayaa maanta xiray wariye Faysal Maxamed Xasan(Boston) oo ka mid ah wariyayaasha ka howlgala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sababaha keenay xariga wariyahan ayaan la’ogayn ,balse waxaa la sheegay in looga yeeray saaka saldhiga qaybta ee gobolka Bari islamarkaana la xiray.

Wariyaha la xiray ayaa wakiil uga ahaa gobolada Puntland websiteka Hiiraan Online,ma jirto cid katirsan maamulka gobolka Bari iyo taliska sare ee booliska oo ka hadashay sababaha keenay xariga wariyahan.

Xiriiro kale duwan oo aan la sameeynay saraakiisha booliska ee gobolka Bari ayaa noo suurtagalin inaan ka wareeysano xarigan.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo magaalada Boosaaso lagu xiro wariye katirsan qaybaha warbaahinta.

Xigasho:-Maakhir Media

Comments are closed.