Gudoomiyaha Gobolka banaadir Maxamuud Nuur tarsan ayaa si kulul ugu edeeyay barnaamijka cuntada Qaramada Midoobay ee WFP iney dhibaato ku hayso shacabka soomaaliyeed,islamarkaana aysan waxba u qbanin dadka ku dhibaatsayn goboalada y ku dhufteen abaaraha.
Tarsan oo ka hadlaayay banaanbaxa maanta ka dhacay Degmada Ships ee Gobolka banaadir ayaa sheegay in hay’ada WFP dalka soomaaliya ay keento raashiin ku qurmay bakhaaradda wadamada mareykankaa iyo Canada isla markaana ay ku lunsato taageerada dhaqaale ee beesha caalamka ugu talagashay shacbaka soomaaliyeed ee ku aafoobay baaraha iyo colaada ka jirta soomaaliya.
Waxa uu ugu baaqay shacabka iney gacmaha is qabsadaan oo ay u midoobaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada haysat sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyaha Gobolka banaadir Maxamuud Axmed tarsan waxa kaluu uu baaq u diray Ciidamada Dowlada KMG soomaaliya in dalka ay ka saraan xarakadda Alshebab,isla markaana gacanta Dowlada ay ku soo celiyaan degmooyinka ay ka taliyaan Xoogaga islaamiyiinta.
Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho
