Madax dhaqameedka Gobolka Mudug ayaa ku baaqay in la joojiyo dilalka iyo xiisaddo dagaal oo maal mahan laga dareemaayey Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kuwaasi oo u dhexeeyey beello wada dega Gobolka Mudug gaar ahaana dhinacayada Puntland iyo Galmudug.
Nabadoonada labada dhinac ee Gobolka Mudug ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalaasi khasaaraha sababay isla markaana ku baaqay in dagaalada la joojiyo taasi bedelkeedna dhanka nabadda wax lagu doono.
Nabadoon Cabdi Diiriye Guunyo Cabdi Qurux oo kamid ah Nabadoonada Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedkii ka dhacay aga gaarka Airporka Magaalada Gaalkacyo iyo dilalkii ka dambeeyey ee maalintii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo xiriir la lahaa dagaalkii Arbacada ka dhacay Deegaanka Cinjir Jiriidda.
Nabadoonka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in looga baahan yahay madax dhaqameedka in ay ka qaybgalaan sidii loo damin lahaa isla markaana loo wada hadal siin lahaa labada beelood ee wada dega Gobolka Mudug ee ay diirirtu ku dhexmartay aga gaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.
Dhinaca kale Nabadoon Cali Diiriye Oloore oo kamid ah madax dhaqameedka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka xun tahay dagaal beeleedka iyo sidoo kale dilkii shalay loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen malayshiyo kasoo jeeda dhanka Galmudug.
Nabadoonka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uusan arrinta u wajihin sidii loogu talagalay isla markaana ay ka dadaal badan tahay Puntland gaar ahaana maamulka Gobolka Mudug u qaabilsan Puntland oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad.
Ugu dambayntiina Nabadoon Cali Diiriye Aloore ayaa waxa uu ugu baaqay maamulada labada dhinac iyo beelaha dagaalamay in ay qaab nabadeed ku wajahaan dagaalada ka dhacay dhulka miyiga ah iyo dadka lagu laayey Magaalada Gaalkacyo.
Laasqoray.Net-
Hadalka baaqa nabadeed xambaarsan ee kasoo kala yeeray Nabadoonada Gobolka Mudug ayaa kusoo aaday xilli labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay Magaalada Gaalkacyo iyo Deegaanno hoos yimaada ay ka dhaceen dagaallo iyo dilal is xig xigay kuwaasi oo ay ku dhinteen tiro dad ah.
