webmaster@laasqoray.net

Madax weynaha DKMG ah oo Dalka ka dhoofey

Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta siyaabo kala duwan dalka uga dhoofay ayagoo ku sii jeeda magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah mudane Shariif Sh Axmed iyo wafdi wasiirro u badan waxa ay u duuleen magaalada Kampala, waxaana xubnahaas ka mid ah, wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare, Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda Qaranka iyo xubno kale.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac ayaa Radio Muqdisho u sheegay in madaxweynaha iyo wafidigiisu ay ku sii jeedaan Kampala oo ay uga qeyb galayaan shirka dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, oo looga hadlayo qodobbo ku saabsan xaaladda waddanka Soomaaliya.

Sidaa si la mid ah  wafdi xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta ka ambabaxay dalka, ayagoo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay uga sii gudbi doonaan magaalada Kampala oo uu ka dhacayo shir ay isugu imaanayaan kooxda xiriirka Caalamiga ah ee Contact Group.

Xildhibaan Cumar Isloow ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay bixitaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo tilmaamay in uu ka qeyb gali doono shirka Kampala dhawaan ka furmaya.

Radio Muqdisho+laasqorayNET

 

Comments are closed.