Wafdi caalami ah oo ka kooban sagaal (9) xubnood ayaa Isniintii booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland.
Wafdigaan waxaa hogaaminayay Madaxa Hey’adda Cunada Aduunka (WFP) ee Qaramada Midoobay Marwo Josetta Sheeran waxaana garoonka dayuuradaha Garowe ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. C/llahi Axmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Amniga Gen. Yusuf Axmed Kheyr.
Wafdiga WFP ayaa loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Puntland halkaasoo ay kulan muhiim ah kula yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.
Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa taageerada cuno ay WFP siiso Somalia gaar ahaan Puntland, xiriirka wada shaqayneed ee Dowladda iyo Hey’adda WFP, dhamaystirka dib u haynta Dekedda Bossaso, iyo weliba dib u dajinta xafiisyadda WFP ee ku yaala Nairobi oo loo raro gudaha Somalia, gaar ahaan gobollada nabdoon sida Puntland.
Madaxweyne Farole iyo Marwo Sheeran ayaa shir jaraa’id ah si wadajir ah u qabtay shirkii ka dib, iyagoo ku faraxsanaa inay wada hadal ka yeeshaan doorka WFP ee Puntland.
Marwo Sheeran ayaa balanqaaday inay tixgalinayso dhamaan arrimihii ay kala hadashay madaxda Dowladda Puntland waxayna sidoo kale sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timid Puntland, oo ah markii ugu horeysay ay timaado dalka Somalia.
