Masuuliyiinta Puntland oo ugu Horeeyo Madaxwayne ku-Xigeenka dowlada Puntland General Cabdi samad cali shire ayaa Maanta hadalo ka soo jeediyey Salaadii ciidul Adxaa oo ka dhacay Magaalada Bosaso ee casumada Ganacsiga dowlada Puntland Waxaana Masuuliyiintan kala duwan ka mid ahaa Wasiirka Wasaarada Dekedaha iyo Qayraadka Bada Puntland Siciid Maxamed Raage Wasiirka Arrimaha Gudaha General Cabdilaahi Axmed Jaamac ilkajiir Wasiirka Wasaarada Maliyada iyo Mudnaayaal kale oo ka mid ah Barlamanka dowlada Puntland Waxaana dhamaan Masuuliyiinta Maamulku ay aad ugu dheradeeb Waxqabadkooda ku aaadan dhianca Maamulka dowlada Puntland iyo Doorka Amaanka kaga Aadan Bulshada reer Puntland.
Madaxwayne ku-Xigeenka dowlada Puntland General Cabdisamed Cali SHire ayaa sheegay inay xukuumada Puntland Qorshaynayso sidii ay Amaniga degaanada Puntland kaalin lixaadle uga qaadan lahayn isagoo intaasi sii raaciyey Madaxwayne ku-Xigeenku inaanay iminka wax Xiriir ah ka dhowrayn dhinacaas iyo Dowlada Defederalka somaliya.
Cabdi Samed Cali SHire ayaa sidoo kale ku baaqay isla markaasina kula dardaarmay bulshadiisa inay ka fegnadaan waxyaabaha ka dhanka ah Amaandarada falalka ka la xiriira isagoo sheegay inay xiligan Puntland ka jirto Nabadgelyo buuxda oo taam ah,Cali Shire ayaa sidoo kale mahad u celiyey Dadwaynaha Reer Bosaso oo Maanta uu kula tukadey magaalada Bosaso Ee Xarunta Ganacsiga dowlada Puntland.
Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com
