webmaster@laasqoray.net

Madaxweynaha DKMG ah ayaa booqdey Furinta Dagaalka Muqdisho

Madaxweynaha DKMG ah ayaa manta isagoo ku lebisan deryska Milateriga booqasho ku tagey goobaha ay dagaalku ka socdaan isla markaana ay weheliyeen qaar ka mid ah saaraakiisha Ciidanka Dowlada iyo kuwa ciidamada Afrikaanka ah ee garab siiya Dowlada ku meel gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid aheyd goobaha uu booqdey safka hore ee Degmada Hodon iyo Hawl-wadaag isla markaana warbixin ka dhegeystey saaraakiisha goobta dagaalka ku sugneyd.

Maalmihii ugu danbeysey ayaa waxaa dagaal ba’ani ka socdeen Degmada Hodon iyo Isgoyska Hawl wadaag iyadoo ay ciidamad Dowladu ay ku durkayeen Suuqa weyn ee Bakaaraha isla markaana ay dooneyso Dowladu iney kala wareegto Mucaaradka Hubeysan ee Alshabaab.

Waxay wararku intaa ku darayaan in Madaxweynaha ay goobabahaasi ay ku soo dhoweeyeen saraakiisha ciidamada Dowlada ku meel gaar ah ee ku sugan jiida hore ee dagaalka oo kala ahaa C/Kariin Yuusuf Dhagabadan, Taliyaha Guutada Hilaac, G/sare Cageey iyo Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle oo ah Taliyaha Guutada 3-aad iyo Qar ka mid ah Sarakii Ciidamadda Burindi ee halkaasi
dagaalka kaga jira

Maaha markii ugu horeysey ee uu Madaxweynuhgu booqdey furinta dagaalka isla markaana dhiiri geliyey ciidamadiisa hase yeeshee ciidamada hubeysan ee Alshabaab ayaa muujiyey dhabar adeyg aan hore looga baran kooxihii isku hayey dagaaladii sokeeye ee Somalia

LaasqorayNET

 

 

 

 

Comments are closed.