Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay saraakiisha aagaga dagaalka magaalada Muqdisho ee ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Amisom ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay difaaca daljirnimo ee ay u hayaan dalka iyo dadka Soomaliyeed, isagoo hadal uu ujeediyayna ku amaanay heerka guusha ah ee ay soo gaarsiiyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaliya.
Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha ciidanka Dowladdu uu marayo heerkii ugu wanaagsanaa oo lagu faanikaro islamarkaana waxqabadkoodu yahay mid lagu kalsoonaan karo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed oo soo hadalqaaday guulaha isdabajooga ah ee ay soo hoynayaan ciidamada qalabka sida ayaa ugu bishaareeyay askarta iyo saraakiishaba inay helidoonaan darajo nin weliba uu ku muteysandoono waxqabadkiisa maadama sida uu tilmaamay la joogo waqtigii darajada oo ay ciidamada Qaranku iskudayo farabadan ku guuleysteen.
Madaxweynaha Soomaliya Shariif Sh. Axmed iyo R/wlasaaraha dalka ayaa waqtiyadii u danbeeyay waday booqasho iyo dhiirigelin loo sameynayo ciidamada Qaranka oo hantay kalsoonida shacabka maadama ay deeganno farabadan ay dadkii ku dhaqnaa ka xoreeyen kooxda Al-shabaab oo afduub ku heystay.
Wakaaladaha Wararka
