webmaster@laasqoray.net

Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Somalia Sheikh Shariif Sh,axmed Oo Sheegay Inay Guulo Ka Gaareen Dagaalka Ka Socda Somalia

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee somalia sheikh shariif sh,axmed oo habeenkii xalay ahaa mar kale shir jaraa,id ku qabtay xarunta vila baydhabo ee magaalada muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalada ay dowlada KMG ahi kula jirto xoogaga islaamiyiinta ee ka soconaya gobolada koonfurta iyo bartamaha somalia iyo magaalada caasimada ee muqdisho

Madaxweynaha shariif oo ku amaanay ciidamada dowlada ,kuwa AMISOM iyo kuwa ahlu suna guulaha ay soo hooyeen meelo ka tirsan gobolada dalka ayaa sheegay in la galay marxalad ka duwan tii hore islamrkaana xilka qaadis ku sameeyey taliayaasha ciidamada kala duwan ee Qalabka sida isagoo aysan cid uu magacaabay balse uu sheegay inay sii hayn doonaan ku xigeenadii ka hooseeyey

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa taliayaasha uu xilka qaaday waxaa kamid ahaa taliyihii ciidamada booliska cali looyaan, taliyihii ciidamada milateriga ,taliyihii ciidamada nabad sugida iyo taliyihii ciidamada asluubta .

Dhinaca Madaxweyne shariif oo weriyayaashu weydiiyeen howlgal intee leeg ayay ciidamada ethiopia idinka caawinayaan maadaama lagu arkayo ciidamo ethiopian ah oo ku hubaysan gawaaida gaashaaman deegaano ka tirsan gobolada koonfureed ayaa ku jawaabay inay ciidamada ethiopia ka caawinayaan dhinaca Tababarada ,hubka iyo saanada islamrkaana aysan ka qayb qaadanayn iyagu wa siduu hadalka u dhigaye.

Si kastaba aha ahaatee hadalka madaxweynaha ayaa kusoo begmaya xili ay dagaalo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowlada KMG ah kuwa ahlu sunna iyo kuwa AMISOM oo iksu dhinac ah iyo arakada shabaabul mujaahdiin ay ka soconayaan deegaano ka tirsan gobolada koonfurta iyo bartamaha somalia iyo magaalada muqdisho.

Yaasiin Maxamed, Muqdisho, Somalia

Comments are closed.