webmaster@laasqoray.net

Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif sh,axmed Oo Booqday Aagaga Hore Ee Dagaalka Muqdisho

Madaxweynaha  dowlada KMG ah ee Somali sheikh shariif sh,axed ayaa ugu baaqay ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM xili uu booqday furimaha dagaalka ee ay difaaca uga jiraan inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga saaraan xarakada alshabaab Magaalada Muqdisho waa siduu hadalka u dhigaye .

Madaxweyne shariif ayaa intaasi sii raaciyey inuu u tacsiyeynayo ciidamada AMISOM askartii dagaalka kaga baxday islamarkaana tilmaamay inay guulo ka gaareen dowladu goobo badan oo dalka iyo magaalada uqdishoba

Sidoo kale adaxweynaha ayaa ciidamada isku jirtka ah ee AMISOM iyo kuwa dowlada u sheegay inay dagaalka sii wadaan islamarkaana is raaciyaan Magaalada muqdisho xili ay xarakada shabaabul Mujaahdiin ciidamo si mutadawacnimo ah usoo gurmaday ay kusoo qulqulayaan magaalada muqdisho.

Si kastooy ahaataba booqashada madaxweynuhu uu ku tegey goobaha furimaha ee Magaalada muqdisho ayaa kusoo beegmaya  xili ay Magaalada Muqdisho ka aloosan yihiin xiisado colaadeed oo labada dhinac ah.

Yaasiin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho


Comments are closed.