webmaster@laasqoray.net

Madaxweynaha Maamulka La Baxay Somaliland oo u Dhoofay Magaaladda Adis Ababa ee Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Hargeisa isaga oo u sii jeeda wadanka Itoobiya, Madaxweynaha waa safarkii ugu horeeyay ee uu ugu baxo wadanka Itoobiya. waxana ku weheliyay wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo madax sare oo ka tirsan xafiiska Madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadal kooban oo u jeediyay saxaafada Madaarka Hargeisa waxa uu socdaalka Itoobiya ku sheegay in uu yahay Marti qaad u ka helay madaxda wadankaasi. waxana uu sheegay in ay tahay sii xoojinta xidhiidhka labada wadan. oo ah ayuu yidhi mid soo jireen ah.
waxanan rabnaa ayuu yidhi sidii ay dawlada cusubina halkaasi uga sii wadi lahayd.
waxa uu sheegay in dawlada Itoobiya ay tahay mid saaxiib weyn oo somaliland ku leedahay mandaqadan.



Isha Sawirada Somaliweyn.com

Comments are closed.