Madaxweynaha puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay wadanka kenya intii aanuu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalada garoowe ayuu saxaafada la hadlay wuxuuna ka hadlayaa muhimada safarkiisa oo u ku Macneeyey inuu yahay mid La Xiriira Hanaanka Horumarka Degaanada Puntland.
Waxaa uu sheegay Madaxwayne Faroole inuu Dalalbadan oo dhowra uu Xiriir dhinaca Dhaqaalaha,Horumarka iyo Guud ahaan Arrimaha Puntland uu kala hadli Doono.
Safarka Madaxwaynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan uu Madaxwayne Faroole sheegay inuu siwayn Wax uga bedelayo Hanaanka Nabadeed iyo Golaha xukuumada oo uu sheegay Qaar kood inuu isku shaandhaynayo Dhowaan.
Sidoo kale Dhowaan ayaa waxaa uu kala bedeley Madaxwaynuhu Laamaha Amaanka Gobolada Puntland oo isku bedbedley.
Maxamed Axmed Ciise
geedi7@gmail.com
Laasqoray.Net-
