Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” ayaa ka hadlay isla markaana cambaareeyey dilkii habeenimadii xalay Magaalada Bossaso loogu gaystay Suldaan Ciise Xassan Cumar oo kamid ahaa Isimada Gobolka Bari ee dhinaca nabad raadinta caanka ku ah.
Dr Faroole oo kusugan Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa waxa uu marka hore ka tacsiyeeyay dilka Suldaanka, wuxuuna ku tilmaamay kooxaha dilkaasi ka dambeeyey kuwo qayb ka ah falal ammaan darro ee Deegaanada Puntland lala maagan yahay kuwaasi oo uu ku sheegay kuwo laga soo abaabulay meelo banaanka ah Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha dilka u gaystay Suldaan Ciise Xassan Cumar ay qayb ka yihiin kooxaha sida uu tilmaamay loo soo diray in ay Deegaanada Puntland ka sameeyaan falalka ammaan darro, wuxuuna Madaxweynahu kooxahaasi ku sheegay kuwo kasoo horjeeda nabadda ammaanka iyo horumarka Dawladda Puntland.
Dr Faroole ayaa sidoo kale waxa uu tibaaxay in qaar kamid ah kooxaha uu Arga-gixisada ku sheegay oo ay hadda ka hor Dawladdu kula dagaalantay dhulka Buuraha ee Gobolka Bari ay xiligan bilaabeen in ay laayaan dadka wax galka u ah bulshada isla markaana xilligan ay dilalkooda kusoo dareen dadka cuqaasha ah sida uu Madaxweynahu hadaka u dhigay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha dilka gaystay ay yihiin kuwo kasoo horjeeda isla markaana usoo guntaday in ay xagal daaciyaan heshiis nabadeed oo ay dhowaan Magaalada Bossaso ku wada gaareen beello ay dagaallo kusoo dhexmareen qaybo kamid ah Gobolka Bari iyo Magaalada Bossaso.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” ayaa waxa uu ugu baaqay dhamaan qaybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanada Puntland in ay ammaanka si wada jir ah uga shaqeeyaan isla markaana iska kaashadaan sidii meel looga soo wafda jeensan lahaa kooxaha wada falalka ammaan darro.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ka dambeeyey dilkii habeenkii Sabtida Magaalada Bossaso loogu gaystay Suldaan Ciise Xassan Cumar oo kamid ahaa Isimada Puntland gaar ahaana Gobolka Bari.
Laasqoray.Net
