Madaxweynaha Dowlada ku meel gaarka ah oo safaro gaagaaban ku marayey wadamada Bariga Afrika ee Ugandha iyo Burundi ayaa maanta soo gaarey caasimada dalka Burundi ee Bujunbura isla markaana la kulmay dhigiisa ee madaxweynaha dalkaas.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa ka faaloonaya safarka Madaxweynaha oo u qoran sidan hoos ku qoran.
War Saxaafdeed
(Bunjambura,Burundi , Abril, 09, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo howl qaran ugu maqan dalka dibaddiisa ayaa maanta waxaa uu gaaray Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura.
Madaxweynaha ayaa waxaa Eeraboorka ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Burundi Mudane Terence Sinunguruza iyo Taliyaha Ciidamda Burundi Jeneral Maj. Niyombare Godefroid iyo shacab fara badan oo reer Burundi ah iyadoo ay soo bandhigeen cayaaraha hiddaha iyo Dhaqanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiska,, shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdinuur Macalin Maxamed.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa kadib waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza kulanka ayaa ahaa mid ay iska wareeysteen labada Madaxweyne iyaga oo ka hadlay dhibaatadda ka taagan Soomaliya iyo sidii Walaalaha Burundi ay ugu qeyb qaadan lahayeen. Madaxweynaha ayaa goobta uu kulanka ka dhacayay waxaa ku soo dhaweeyey kumanaan shacab reer Burundi. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sidoo kale kala qeyb qaatay shacabka iskool la dhisayay.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya qudbad kooban uu kula hadlay Shacabka reer Burundi ayuu ugu mahad celiyay taagerada buuxda ay la garab taagan yihiin walaalahooda Afrikaanka ah. Kadibna waxaa uu ka hadlay xaalada lagu sugayo nabada ee ka socoto gobolo badan ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo soo gabo gabeeyn lahaay Alshabaab/ AlQaceeda iyo kuwa ay marin habaabiyeen.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdishu, Somalia
Mabdalla@presidncy.gov.so
